Waligaa qofkale ha isbarbar dhigin! kaliya waxaad isku eegtaa, qofkii aad sanadkii hore ahayd iyo qofka aad maanta tahay keebaa wanaagsan?
- Wali ma sidii baa bilaa camal u tahay?
- Sidii sanadkii hore miyaad wali hal luuqad ku hadashaa?
- Wali ma intii uunbaad mushahar ahaan u qaadataa?
- Ilaa iyo hadda ma waalidkaa baad dulsaar kutahay sidii sanadkii hore?
- Maxaa iska kaa badalay?
Sanadka 2022 imisa buug ayaad aqrisay, imisa kooras ayaad baratay, hadii sanadkaasi uu kaa jajabnaa dhibaato malaha, balse sanadkan soo socda ee 2023 maxaa kuu qorsheysan oo aad ku wanaajin kartaa si aanad markale meel cidla ah usoo istaagin.
Halkan kala soo dag buugga: THE POWER OF HABITS
Waxaa jiray macalin aan hadda kahor ka qaatay kooras, macalinkaasi wuxuu ahaa macalin waqtiga ilaaliya, sharaxaadiisu fiicantahay, waxyaabaha kale ee aan aadka ugala cajiibay macalinkaasi waxaa kamid ahayd, Maalintii ugu dambeysay kooraska ayuu wuxuu inoo qeybiyay waraaqo, waxaa uu inagu yidhi waraaqahan magaciina haku qorina oo waa (anonymous) laakiin waxaad ku qortaan waxa aad iga aaminsantihiin, waxyaabaha aan ku wanaagsanahay iyo waxyaabaha aan ku liito si daacad iigu sheega, qofkasta waxa uu qoro aniga ma ogaan karo cida qortay iyo magaceeda laakiin waxba ha ii reebanin daacad iigu qor.
Macalinka ayaan weydiiyay maxaad sidaas u samaynaysaa wuxuu iigu jawaabay: “Aniga 5 sano kahor ayaan macalin noqday, waxaanan ahaa macalinka ugu liita macalimiinta marka ay noqoto wax dhigista, balaaqada iyo la macaamulka ardayda, balse sanadba sanadka ka dambeeya waan is hagaajiyaa, marka si aan isku hagaajiyo, waxaan u baahanahay inaan ogaado meelaha aan ku liito, meelahaana waxaa yaqaana oo iisheegi karaya waa idinka oo kaliya.”
Si walbo oo aad meel uga liidato waad iska hagaajin kartaa hadii aad si tartiib tartiib ah u bilowdo, dadka ku garanaya la tashato, markastana adiga tartan iskula jir, oo isweydii shalay iyo maanta maxaa iisoo kordhay.
6 thoughts on “Yaad tartan kula jirtaa?”
Runtii waa qormo aad U wanaagsan wax badanna aan ka kororsaday, rajaynayana inay dad badanna anfici doonto.
Mahdsanid wll.
adiga mudan walalkey
Great advice broo
thanks
MACAALINKAA WAA MACALIN AQALI BADAAN
Abajai