Waa maxay Dopamine
Dopamine waa kiimiko ay maskaxdeenu soo dayso, taasoo door muhiim ah ka ciyaarta dareenka jirkeena ee raaxada, farxadda, iyo dhiirigelinta. Marka ay maskaxdu soo deyso dopamine, waxaan dareemeynaa raaxo iyo qanacsanaan. Marka aad cunto cuno macaan ama aad howl muhiim kuu ahayd qabato sida inaad imtixaan muhiim kuu ahaa kaasoo dhamaado, maskaxdaadu waxay soo deynaysaa kiimikadaas si ay kuugu abaalmariso.
Waa maxay Dopamine Tolerance
Marka aad sameyso waxyaabo kor u qaadaya dopamine-taada waxaa imanaysa inaad laqabsi u yeelato taas oo keeni doonta inaad u baahato inkabadan inta aad helayso tusaale: Maalmaha koowaad saacad ayaad Tiktok kujirtaa kadib waxaa iman doonta inaad 2 saacadood ka dhigto ilaa habeenkii aad is aragto adigoo sax dhexe ku gaadhay ilaa xitaa maalmaha dambe salaada laguugu gaadho.
Marka ay sidaas dhacdo kaliya waqti lumis ma ahane ee waxaa iman doonta in waxyaabaha aanad ka helayn raaxo badan inay kugu adkaadaan oo kaliya aad mobile uun ku foorarto.
Raaxo fudud iyo Raaxo adag
Raaxadda aad ka helayso waxyaabahaa fudfudud sida inaad filim daawato ama inaad cunto macaan cunto waa raaxo fudud, sidaa daraadeed waxaad u baahantahay inaad isbarto wax loo yaqaano raaxadda adag oo aad sameyso waxyaabo adag balse adiga kuuwanaagsan sida inaad saacad lugeyso oo aad jimicsato ama inaad 30 daqiiqo buug aqrisato adigoon waxkale sameynayn.
Waxyaabaha cajiibka ah waxaa kamid ah Dopamine-ta maskaxdeenu kaliya masoo deyso marka aad raaxaysanayso ee xitaa marka aad sameyso waxyaabo adiga kuu wanaagsan oo horumar kuulehna way kugu abaalmarinaysaa balse waxay u baahantahay inaad isbarto.
Sideen u yarayn karaa Dopamine-tayda.
Inta badan dadku xiligaan la joogo waxay wada yeesheen laqabsi ama tolerance ku aadan dhanka dopamine-ta, hadaba sideen u yarayn karaa oo aan u noqon karaa qof waxyaabaha ad adag raaxo ka hela. Marka hore waxaad u baahantahay inaad maskaxdaada edbiso oo aad ka joojiso waxyaabaha ay ku raaxaysato ama aad ilowsiiso adigoo sidoo kale ugu badalaya raaxo adag tusaale yar aan idin siiyo: Haddii aad raaxo badan ka heli jirtay inaad mobile-kaaga waqti badan isticmaasho oo aad wax ka daawato, mudo hal bil ah iska saar barnaamijyaddaas sida Tiktok, Facebook iyo Youtube oo waxaad ku badashaa waqtiga aad wax daawan jirtay inaad wax aqrisato waliba buugaag aad xiiseynayso oo aanad ka caajisey, tani waxay kuu leedahay laba faaiido. Koow in maskaxdaada la ilowsiiyo heerkii sare ay raaxada ka raadin jirtay iyo Laba in la baro qaabab cusub oo aad u raaxaysan karto oo ay kuu abaalmarin karto maskaxdaadu.