Waxaa jira dhalinyaro badan oo isoo weydiiyay “hadii aan soo furano kaadhadhka lacagaha ee caalamiga ah, maxaa faaiido ah oo inoogu jira?”
Hadii aad tahay arday ama qof dhalinyaro ah oo doonaya inuu ganacsi bilaabo ama inuu kor u qaado aqoontiisa waxaad ku qasbantahay inaad heysato kaadhka lacagaha ee caalamiga ah ee online-ka looga adeegto sida MasterCardka ama Visa card, sababtoo ah:
- Waxaad awood u yeelanysaa inaad si caalami ah u adeegan karto
- Waxaad u isticmaali kartaa inaad ku xayaysiisato ganacsigaaga qaab fudud oo aad u jaban
- Lacagaha kuugu jira akoonkaaga hadii aad musaafir tahay waxaad si dagdag ah ugala bixi kartaa ATM-yadda caalamka oo idil
- Tan aan ugu jeclahay oo ah inaad heli karto barnaamijyo aad tijaabo ah oo aad mudo isticmaali karto, (trial programs) balse ha ilaabin inaad iska joojiso hadii aanad ka helin ama aad ka dhamaysato.
- Waxaad wax kaga baran kartaa Jaamacadaha iyo website-yadda caalamiga ah.
- Hadii aad tahay arday barta cilmiga teknolojiyadda waa inaad hada soo qaadato adigu ma lihid doorasho, waxyaabo aad u badan ayaad kaga faaiideysaaa
- Waxaad ku isticmaali kartaa adeegyo dheeraad ah sida inaad PayPal ku xidhato.
Hadii aad dooneyso inaan ku siiyo talooyin kusaabsan qaabka aad u furan karto ama shirkadaha ugu fiican ee aad ka furan karto iisoo dir email: **@ca**********.com
5 thoughts on “Maxaad ugu baahantahay inaad heysato kaadhka lacagaha ee online-ka”
Shirkadee ugu wanaagsan ee aan ka qaadan karaa care
premiere bank way wanaagsantahay
7 waan ubaahanay ustaad iga caawi visa card ayaan lee yahay
Mahadsanid libaax