6 Balwad oo facaa kaa reebi doonta haddii aanad iska hagaajin

Waxkasta oo naftaadu la qabsato ama ay jeclaato inay markasta sameyso waa balwad, balwadu kaliya ma ahan inaad Sigaar cabto ama Qaad cunto balse waxkasta oo aad si joogto ah u sameyso waa balwad.

  1. Cabashada: Cabashadu waa balwad naftaaduna way la qabsanaysaa Iska ilaali inaad markasta cabato, sababtoo ah waxay kaa dhigaysaa inaad tahay qof liita oo aan masuuliyad iska saarayn waxyaabaha ka dhacaya noloshiisa, sidoo kale cabashada badan waxay ku baraysaa inaad waxkasta sida Negative-ka u aragto.
  2. Isbarbardhiga: Ha is barbar dhigin dadka kale, hadii aad aragto qof kaa horeeya nolosha waxaad tidhaahdaa “Maasha alaah” oo danahaaga raaco, waxaa hubaal ah in qofkaas siyaabo badan nolosha aad kaga horeyso.
  3. Dib u dhiga: Dib u dhigu waa balwad halis ah oo kaa dhigaysa inaad noqoto qof waxkasta daqiiqada ugu dambeysa ku qabta, Waxkasta oo aad qaban karto imika ha u dib dhigin beri ama maalin kale, isla markaas qabo oo is dhaafi.
  4. Isticmaalka telifoonka: Telifoonka badan iska yareey, waa balwad uu qofku baran karo taas oo ka dhigaysa inaad markasta telifoonka isticmaasho.
  5. xeradda raaxada: Nolosha markasta oo aad raaxo dareento, waxaa dhacaysa inuu qofku is dhigto oo uu yareeyo dadaalka iyo horusocodka, marka hadii aad dareento inaad nafis ku jirto wax ayaa kaa qaldan.
  6. Quusashada: Waxkasta oo aad bilowdo adigoon dhamayn ha joojin hadii kale waxay kaa noqoneysaa wax aad la qabsatay oo markasta “dhexkaga tage” ayaad noqoneysaa.

Waxaa kale oo sii aqrisan kartaa qormadan: Farqiga u dhaxeeya Revenue & Net income?

18 thoughts on “6 Balwad oo facaa kaa reebi doonta haddii aanad iska hagaajin

    1. Runtii wllo waad Ku mahadsan tahay inaad dhiirigelintaada fiican lala wadaagto mudane caseer run dadka wanaaga u saaxiibka ahi waa kuwa had iyo jeer Ka caajisin la talinta umadahooda taas oo muujinaysaa inuu Kula dareen yahay jecel yahayna inaad wado guulaysataan, markaas mahadsanid wllo qaaliga ah

      Inta maanku gaajaysan yahay, guuli waa weli

  1. Waa qotoba aad u wanaagsan waxaana itaabtay qotobka 3 marwalbo wax qabo is dhaho Dib baa u dhigtaaa wlhi

  2. Sxb waad ku mahadsantahay Dadaalka aad samaynayso, Hadaba waxaan ku waydiin lahaa Imtixaanka Caanka ah, IELST Somalia ma laga heli karaa, maxaase ka hor taagan inuu yimaado

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *