Dagaalkii Spotify iyo Apple.

Apple waxaa isticmaasha oo telifoonadeeda heysta inkabdan 2 bilyan oo qof, marka hadii aad tahay App, waa inaad apple u jajabnaato oo amarkeeda qaadato hadii kale way kuu dhamaaneysaa oo APPSTORE-ka ayaa lagaa saarayaa, balse arrinku sidaas ma ahan oo caalamka kala dambeyn iyo sharuuc ayaa yaala, hada kahor ayaa waxaa isku dhacay Apple iyo shirkada Spotify (oo ilaa hada is dagaalsan) Spotify waa app heesaha laga dhagaysto, oo bishii lacag la bixiyo sidoo kale apple oo iyadana soo gashay suuqa heesaha ayaa waxay bilowday inay shirkadaas si ay suuqa ugaga saarto inay qiimaha ku kordhiso ama sharciyo adag hordhigto ilaa Apple la dacweeyo oo kadibna laga gar lahaado oo ay sidaas ku dhaafto.

Marka hadii aad heysato macaamiil badan oo ay adeegaaga isticmaalaan taas micnaheeda ma ahan inaad suuqa sidaa doonto ka yeeli karto, oo aad ganacsi kasta lugta ku walaaqi karto, kadibna aad dadka ka riixan karto suuqaas si adiga bes aad waxkasta u yeelato, dabcan userskaas adiga ayaa leh oo adeegaaga ayay isticmaalaan laakiin kaligey ayaan waxkasta ku cunayaa wax soconaya ma ahan.

2 thoughts on “Dagaalkii Spotify iyo Apple.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *