lix lix u dil shaqooyinka

Marmarka qaar ma dareentaa inaad ma gudbe tahay? oo wixii aad qorsheysay ay kuu qabsoomi waayaan! hadii jawaabtaadu haa tahay ciladu kaligaa ma ahan ee farsamaddan yar ila eeg.

Habeenkii intaanad seexan ama marka aad shaqada kasoo rawaxayso buug notebook ah ama waraaq soo qaado kadibna waxaad ku qortaa lix shaqo oo aad beri qabanayso, adigoo u kala hormarinaya sida ay u kala muhiimsanyihiin.

subixi waxaad eegtaa liiskaagii aad shalay diyaarsatay kadibna shaqada koowaad ka biloow, kaliya halkaas shaqo dhameey marka hore, kadibna ku dar shaqada kale ee ku xigta ilaa waqtiga kaa dhamaado.

Qasab ma ahan inaad 6dii qodob wadda dhamayso balse intii aad ka gaarsiin karto adigo halhal xabo u qabanaaya u kala qabo, kadib waxaad sameysaa markaad sii baxayso liiska lix ka dhig oo wixii aad ka dhamaysay buuxi, tusaale: hadii 6dii shaqo aad 3 kamid ah maanta qabatay 3 kale ku dar oo lix ka dhig, adigoo usii kala horeysiinaya sida ay u kala muhiimsanyihiin, berito markaad timaadana sidaas ku wad maalin kasta.

Bal tijaabi farsamadaan, 10 cisho kadib waxaad is arkaysaa adigoo waxyaabihii daruuriga ahaa dhameeyay oo firaaqo ah ama hawlo kale oo dheeraad ah diyaar u noqon kara.

Halkan kala dag buugga: Geting things done Taabo halkan

2 thoughts on “lix lix u dil shaqooyinka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *