labadii isbuuc ee lasoo dhaaafay waxaan ku mashquulsanaa inaan furo xafiis aniga ii gaar ah, oo aan side hustle aan leeyahay ku dhaqaajiyo. waxyaabaha iisoo baxay kuwooda aad ka qaadan kartaan casharo waxaa kamid ah.
Marka aad dooneyso inaad kharash ganacsi gasho adigoo kaligaa ah, iska ilaali inaad waxyaabo badan oo aadan awoodi karin iibsato, sameey daraasad badan, farsamana ku darso, arrin yar oo cajiib ah oo igu dhacday ayaan idinla wadaagayaa.
Waxaan tagay meel lagu iibiyo alaabaha Furniture-ka ee loo isticmaalo xafiisyadda sida miisaska iyo kuraasta, waxaan doonayay inaan iibsado miis kuwa dhaadheer ah ee shirarka loogu talagalay oo ay fadhiisan karaan ilaa 8 qofood, markaas waxaa laygu yidhi miiskan bes oo aan la socon kuraastiisa waa 650 doolar 😮, marka miiska ay iibinayaan waa miis lugaha hoose ka ah bir, xagga sarana ka ah loox weyn oo lugaha birta ah la dul saaray, waan eegay sifiican u fiiriyay kadib, waxaan google ku qoray “metal desk legs design”, kadib waxaan helay naqshado lugaha miisaska shirarka ah oo xitaa leh cabirada iyo qaabka loo sameeyo, waxaan qaatay naqshada waxaan u geeyay qolada biraha sameysa waxaa laygu sameeyay 30 doolar lugaha miiska iyo xitaa waxaa la ii mariyay rinjigiisii.
Kadib waxaan tagay meelaha lagu iibiyo qalabka dhismaha waxaan kasoo iibsaday loox loo yaqaan MDF oo cabirkiisu yahay 1.2M X 2.4M isagana waxaa layga soo siiyay 33 doolar. kadib waxaan u geeyay dhalinyaro farsamada looxaanta iyo carpentary-ga ku fiican oo dhinacyadda iiga salaaxay lugaha iyo looxana isku dhajiyay iyagana waxay iga qaateen 15 doolar, intaas waxaa ii dheer delivery-ga oo isna noqday 10 doolar.
TOTALKA WUXUU NOQDAY: 88 DOOLAR, BES 😎
Waan ogahay marka uu ganacsigaygu soo saaro 100k bilkasta waan iibsan doonaa miiskaa 650 lagu iibinayo laakiin hadda 88 ayaa iga badan, muuqaal ahaan hadii la eegana aad ayay isugu egyihiin.
Dulucda sheekadan waxaan kusoo koobayaa: Markasta oo aad ganacsi bilaabayso ku biloow kharashka ugu yar ee aad gali karto, iskana ilaali dhaldhalaalka iyo waxyaabaha aan muhiimka ahayn, raadi qaabab aad u yarayn karto kharashaadka sida aan anigu sameeyay oo kale ama raadso alaabo used ah oo lasoo isticmaalay si aad u koobto kharashaadkaaga, sidoo kale markasta maskaxda luuqeeda dambe gasho inaad waxyaabahaa qurqurxoon aad iibsan doonto marka aad kiciso ganacsigaaga.