Xakameeynta nafta

Naftaada waxkasta oo ay u baahato u diid oo ha siin, sababtoo ah waxaa dhici karta inuu Ilaahay kaa qaado waxaas ama noloshaadu isbadasho, kadibna aad wixii heli waydo oo noloshaadu warwar badan kusoo kordho.

Marka aad naftaada ka xakamayso inay jeclaato Walxaha waxaad noqoneysaa:

  1. Qof dhaqaale ahaan xor ah.
  2. Waxaa hoos u dhacaya baahidaada
  3. Qof aan ka warwarin mustaqbalka iyo in waxa uu heysto ay ka dhamaadaan.
  4. Qof waxa uu heysta jecel oo si gaar ah u qiimeeya.
  5. Qof mahadnaq badan oo inta yar ee uu Ilaahay siiyay ay u muuqdaan.

Marka si aysan naftaadu ugu xidhnaan walxaha, waxaad bartaa inaysan u baahneyn, hadii aad u fiirsato waxkasta oo aad soo iibsato marka ugu horeysa ayaad xiiseynaysaa oo kadib waxaa laga yaabaa inuu xiisahaasi kaa baxo oo aanad isticmaalinba, Naftaada si aad eedaabta u barto hadii ay waxjeclaato hore ha ugu keenin oo waxaad ku tidhaahdaa “Inyar yar sug” laga yaabaa maalmo kadib inaad iska ilowdo waxaas ama qarashkii aad ugu talagashay wax ka muhiimsan kugu soo baxaan oo aad ku bixiso.

Sidoo kale waxaad aqrisataa: 10 xirfadood, oo aad noloshaada ku hormarin karto sanadka 2023-ka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *