
Todoba dabeecad oo kaa dhigaya qof dadku ay jecelyihiin: Inaad dadka kuu dhaw iyo dhamaan walaaladaa muslimiinta ah kula dhaqanto dhaqan wanaagsan oo qalbigooda kuusoo dhawaynaya waa arrin lagama maarmaan ah oo qofkasta inuu barto uu ku qasbanyahay, waxaan halkan idinkula wadaagayaa 7 qodob oo kaa caawin kara inay dadku ku jeclaadaan.
- Dadka ha dhaleeceyn hana xukumin:Qofka haduu talo kuweydiisto ama aad aragto isagoo wax qaldan samaynaya markiiba eedeyn iyo dhaleeceyn hakula cararin ee marka hore warayso oo si caqliyaysan wax ugu sheeg oo talooyin aan niyada ka jabineyn sii.
- Qofka wanaagiisa u muuji: Qofka waxa uu ku wanaagsanyahay markasta usheeg oo ku amaan.
- Dadka magacooda xusuuso: Qofka markaad magaciisa ugu yeerto markasta waxay si hoose u badashaa dareenkiisa sida inuu kalsooni dheeraad ah kuu qaado, ama maskaxdiisu ka dhaadhiciso inaad inbadan isgaranaysaan oo kale. marka marwalba qofka intaad dhihi lahayd walaal ama saaxib ama mudane waxaa ka fiican adigoo magaciisa ugu yeedha marwalba.
- Waxaad tustaa inaad danaynayso noloshooda: Isku day qofka inaad waraysato, waliba waxyaabaha uu jecelyahay inuu kaaga sheekeeyo, tusaale: qofbaa kaaga sheekeynaya markasta inuu mashruuc ka shaqeynayo oo agtiisa waxweyn ka ah, marka aragto qofkaas ka warayso oo dhiirigelin kusii oo meelaha uu kaga guuleysatay si fiican uga sii warayso.
- Si dagdag ah u raaligeli qofka hadii aad ka qaldantahay: Dhamaanteen qaladku wuu inaga dhacaa, hadii qofka aad u gaftay ama uu kaa cadhooday, inta arrintu taagantahay raaligelin ka bixi.
- Marka la doodayo, haku fikirin inaad dooda ku guuleyso, ee qofka kale aragtidiisa qiimeey: Haddii la doodayo win-win ka dhig dooda oo qofkaa kalana wax ka qaado isna inyar hakaa qaato oo waxkala qaata laakiin waxaaga uun haku riixin.
- Dadka kale ka dhig inay agtaada muhiim ka yihiin: qofkasta ee dunida kunool meel ayuu ku fiicanyahay nin aanu saaxiibo nahay ayaa dhihi jiray “waxmatare ma jiree, wax;uun tarre ayaa jira” micnaha qofkasta wax ayuu ku fiicanyahay, isku day inaad ku qiimeyso oo aad tusto inuu intaas kaaga fiicanyahay kuna tixgeli.
intaas ayaan kusoo koobayaa qormadan, wixii aad ka faaiidey iyo wixii kale ee aa isleedahay ku darso qeybta hoose ee faalada inagula wadaag, sidoo kale waxaad aqrisan kartaa: SHANTA TIIR EE GANACSIGU LEEYAHAY
7 thoughts on “Todoba dabeecad oo kaa dhigaya qof dadku ay jecelyihiin.”
Mahadsanid C.Caseer
Masha Allah aad baan uga helay oraahyadaan.
Waad ku Mahadsantahay ustaad.
adiga mudan walaal
Mhdsanid wll
adiga mudan
Waa caadoyin aad u wangsan alle hana wafajiye
aamiin