Xornimo dhaqaale: Sidee lagu gaari karaa?

Xornimo dhaqaale: Sidee lagu gaari karaa?
Photo by Alexander Mils on Unsplash

Xornimo dhaqaale waa inuu qofku noqdo qof isku kalsoon. qasab ma ahan inaad tahay qof taajir ah, si aad u noqoto qof dhaqaale ahaan madaxbanaan.

Waxaan halkan kugula wadaagayaa 7 qodob oo kaa caawinaya inaad noqoto qof leh xornimo dhaqaale

Uruurso Lacag emergency ah

Si aad Xornimo dhaqaale u gaarto Meel dhigo ugu yaraan 100$, oo aad ku xaliso waxyaabaha dagdaga ah ee kugusoo bixi kara.

Iska bixi wixii deen ah ee laguugu leeyahay

Deentu waxay kamid tahay waxyaabaha ugu xun ee uu qofka lagu yeelan karo. qorshe u sameey deemaha laguugu leeyahay kadibna sida ay u kala yaryihiin ukala bixi ilaa aad ka dhameyso.

Meel dhigo qarash kugu bixi kara 3 ilaa 6 bilood ee soo socda

Qorshahani waxaa uu ku leeyahay qarashka kugu baxaya ee daruuriga ah bilkasta soo koob, kadibna ku dhufo 3 ilaa 6 bilood oo meel sii dhigo., Si lacala hadii ay shaqo la’aan kugu dhacdo ama aad xanuunsato aad ugu sii baxsan karto.

Samayso Akoon bank

soo furo akoon cusub oo bank ah, una kala qeybi mid socda iyo mid keyd ah, kana dhig kan keydka ah mid ay adagtahay in si fudud wax looga soo saaro. TAABO HALKAN SI AAD U FURATO AKOON PREMIER BANK AH

Ugu yaraan 20% hantida kusoo gasha keydso

hadii aad bishii ku shaqeynayso 200$ tusaale ahaa, waa inaad bilkasta ugu yaraan 40 doolar meel dhigataa oo aanad cunin, sanadkiina $480 doolar oo keyd ah si aad u gaarto Xornimo dhaqaale

Maalgasho hanti maguurto ah

Hadii aad dooneyso inaad gaarto Xornimo dhaqaale isku day inaad iibsato dhul ama wax udhigma, tusaale: waxaad raadisaa meelo ka yar durugsan magaalada oo aad ka iibsan karto dhul yar oo aan sidaas qaali usii ahayn, tan waxay faaiido kuleedahay laba shay marka hore dhulalku qiimahoodu markasta kor ayuu usii kacaa sidoo kale waxaa laga yaabaa inaad mustaqbalka meeshaasi magaaladu gaarto oo aad adiga guri ka dhisato.

Ka bixi sadaqo waxa kusoo gala ugu yaraan 2% ilaa 5%

Qorshaha ku darso inaad wax bixiso, oo aad sadaqayso in kamid ah hantida kusoo gasha.

Sidoo kale waxaad aqrisan kartaa: 10-kaan shay ku dhaqaaq inta aad kujirto da’da labaatameeyada

Refferences: Building an Emergency Fund

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *