Sadaxdan xirfad waa muhiim inuu qofku barto, qarnigan 21-naad ee aan imika ku jirno, waxaa kamid ah xirfadahaas.
- Baro Sida loo fikiro, dadku intooda badan ma yaqaanaan sida loo fikiro, waxkasta oo loo sheego haye ayay iska dhahaan marka waxaad u baahantahay inaad barato sida loo fikiro waxna laysku weydiiyo. Waxaad u baahantahay inaad dhihi karto “sidee ku dhacaysaa? Maxaa sababi kara? Sidee loo xalin karaa?”
- Baro sida wax loo barto! Aduunka hada aqoontu way buuxdaa oo waalagu dhex wareerayaa marka inaad waxbarato ayaa u baahan inaad isbarto.
- Keydinta iyo soo celinta wixii aad baratay, waa inay jirtaa qaab aad usoo bandhigi karto waxkasta oo aad baratay ama aad akhrisay haddii kale waxkasta oo aad soo kordhisay way kaasii baxayaan. Hadii aad Quraanka tafsiirkiisa baratay, waa inaad sidoo kale barataa sida aad ugu dhaqmi lahayd.