Si uu u noqdo Yoolkaagu mid hirgala, waa inuu yahay marka hore mid aad ka fikirtay suurtagal ahaanshihiisa oo aad isweydiisay marka hore “Mashruucan horta miyaan ku guuleysan karayaa?” kama wado inuu qofku shaki iska galiyo waxa uu sameynayo oo uu aamino inuusan qaban karin, balse waxaa muhiim ah marka hore inaad Yoolkaaga mariso qiimeynta loo yaqaano “S.M.A.R.T” oo aad ku eegayso suurtagalnimadda yoolkaaga.
Kalmadda “S.M.A.R.T” waxaa laga soo gaabiyay 5 kelmadood oo kala ah Specific, Measurable, Achievable, Relevent, Time-bound. Hadii aan sii kala dhigdhigno oo aan sharaxno waxay kala noqonayaan.
- Specific: Mashruucan ama Yoolkani ma yahay mid cad oo la yaqaano, sida inaad tidhaahdo “10 Kiilo ayaan iska ridayaa 6da bilood ee soo socota”
- Measurable: Yoolkaagu mayahay mid aad cabiri karto oo aad odhan karto “Si aan 10 kiilo iskaga rido 6 bilood oo u dhiganta 24 isbuuc waa inaan isbuuc kasta 410 garaam oo baruur ah”.
- Achievable: Yoolkaagu mayahay horta wax la gaadhi karo oo macquul ah, halkan ku qiimeey, tusaale waxaad internetka ku aragtay qof odhanaya “20 kiilo iskaga rid hal bil” marka adiguna waxaad tidhi “Alaylehe waa inaan yool cusub dagsado bishaan oo aan 20 kiilo iska rido” taasi ma ahan wax macquul ah oo la sameyn karo, qofka sidaas dhahaya waa qof doonaya inuu views ku helo barnaamijkiisa oo uu dadka lugooyo laakiin xitaa hadii aad isku daydo waxay keeni kartaa inaad ku rafaado oo aad hadhow dambe nacdo inaad isbedelka dambe samayso.
- Relevant: Sidoo kale waa inaad yoolkaaga ku qiimeyso inuu adiga kuu qalmo oo uu yahay wax kuu muhiim ah ama qofnimadaada u qalma, yoolkaagu waa inuu noqdaa mid noloshaada saameyn kuleh oo midhihiisa aad goosan karto oo wax kuusoo kordhin kara.
- Time-bound: Si yoolkaagu u hirgalo sidoo kale waa inaad u sameysaa waqti uu ku dhamaado oo aad markii hore sii qiimeysatay oo macquul ku ah, waa inaad dhihi kartaa “100 maalmood kadib waxaan dhamaynayaa kooras luuqada English-ka ah”
3 thoughts on “Ka dhig yoolkaaga mid “S.M.A.R.T” ah”
cashar muhim ah weye mahadsanid sxb
adiga mudan walaal
Waa cashir muhiim ah