Markasta oo aad raaxo ku jirto (comfort) waa markasta oo uu horumarkaagu sii yaraanayo.
Cabdiraxmaan Caseer
Aniga waxaan ogaaday oo aan garanayaa dhalinyaro badan oo sanadkii ay ka qasaarto 730 saacadood oo maalin kasta hurda inta u dhaxaysa 1:30 ilaa meelaha 3:30, sanadkii intaas waa 730 saacadood oo u dhiganta 30 maalmood ama hal bil oo aad ka liidato ninka shaqaysanaya ama waxbaranaya!
Sidoo kale waxaan ogaaday dadka xiligaas jiifa waa dadka shaqaalaha ah oo waxaad arkaysaa shirkad ninkii lahaa ee CEO ka ahaa 2 duhurnimo shir kujira oo kuwii shaqaale hoosaadkana ay qado iyo hurdo ku maqan yihiin
Kama hadlayo hurdada yar ee uu qofku 20 minutes goobtiisa shaqo seexan karo.