Shirkaddu markasta oo ay ku dadaasho inay Suuqgeyn wanaagsan sameyso waa markasta oo ay iyadu isa sii baranayso, Tusaale: Waxaad heysataa Meherad kafeteeri ah, suuq la’aan baa kugu dhacday, markaasaad is tidhi bal dhaqdhaqaaq sameey oo isyar xayaysii kadib waxyaabaha kuusoo baxaya waxaa kamid ah in aad ogaato in cuntadaadu aysan macaaneyn oo ay dadku kaasii cararayaan ama in qiimahaagu uu aad u kacsanyahay ama inaad ku xuntahay soo dhawaynta.
Sidaa daraadeed markasta oo aad olole suuqgeyn ah sameynayso qorshaha ku darso inaad wixii talocelin ah ee kugu soo noqda aad si fiican u saxdo laakiin hadii aad iska indho tirto sikastoo dadka u gaarto qofka marka uu kuu yimaado waxaagiina ay sidii u tayo xunyihiin kuuma soo noqon doonaan dadku.
One thought on “isbaro oo is hagaaji”
Wadani