Qaabab aad isku dhiirigelin karto, marka aad caajis badan dareento.

Dhamaanteenba, Adiga, Aniga iyo qofkasta oo horumar gaadhay caalamka, mararka qaar waxaa dhacda inaan caajis dareeno, oo ay nagu adkaato waxyaabaha qaar oo aynu si fudud u qaban jirnay inaan ka meeraysano oo ay inala adkaato ama culeys badan aanu ka dareeno. Taas oo xitaa keeni karta qofka inuu dareemo Walwal iyo depression, Hadaba waxaan doonayaa inaan idinla wadaago dhawr qaab oo aad caajiska isaga ilaalin karto.

  1. Marka hore ilaahay ku xidhaaw: marka aad salaada tukato markasta aqriso ducada caajiska oo Ilaahay ka magangal caajiska iyo jiljileeca.
  2. Dib ugu noqo Yoolashaada: Waxyaabaha keeni kara qofku inuu dareemo caajis badan waxaa kamid ah inuu ku yimaado khalkhal waxyaabaha uu qabanayo ama hadafka uu doonayo inuu ka dhabeeyo ee uu gaadho, Marka dib ugu noqo hadafkaaga, maxaad dooneysaa inaad ku guuleysato oo aad ka dhabayso?
  3. Raadi wax ku dhiirigelin kara: Dadka qaar ayaa dhiirigelin ka hela markay dhagaystaan Muxaadarooyin qiira leh ama markay daawadaan dad horumar ka gaadhay waxyaabaha qaar, marka adiga raadi wax ku dhiirigeliya sida inaad youtube ka daawato muuqaalo xamaasad leh ama inaad aqrisato buugaag dhiirigelin leh.
  4. Jabi darbiga ku horyaala: waxaa laga yaabaa inay jirto arrin kugu adkaatay ama shaqo aad dib u dhigayso marka laba mid sameey ama shaqadaas iska jooji oo waxkale kubadal ama kala jajabi oo iyada dhan isdhaafi.
  5. Yareey qorsheynta: Waxaa la yidhaahdaa “Qofka markasta fikira; waxaa kaliya uu ka fikiraa waa fikradihiisa” marka fikirka badan iyo qorsheynta waxay qofka ku beeraan cabsi iyo caajis marka waxaas dhan intaad meel iska dhigto Just do it.
  6. Raadso caawimaad: In lagu caawiyo wax xun ma ahan, marka haddii waxyaabaha qaar ay kugu adkaadaan ama culeys kugu yihiin raadi dad ku caawiya oo shaqadaas kula fududeeya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *