Sideen u noqon karaa content creator.

Sameynta muuqaaladu waxaa la yidhaahdaa “Duub marka hore kadib ayaad qurqurxineysaa, kaliya muuqaalka ma ahanee xitaa adiga hadhoow quruxbadnaanaya, uma baahnid kaamarad qatar ah oo qaali ah, xitaa uma baahnid computer marka hore kaliya muuqaalo xiiso leh iyo dadaal badan.

Si aad u noqoto Content Creator waxaad u baahantahay marka hore dhawrkan qodob

  1. Dooro wax aad xiiseynayso inaad ka hadasho oo aanad ka caajiseyn, qofba wax ayuu xiiseeyaa, sida inaad ciyaaraha falanqeyso ama inaad ka hadasho Makeup-ka iyo qurxinta ama siyaasada inaad falanqeyso ama wax uun xiiso leh oo aad jeceshahay.
  2. Sameyso Hadaf iyo qorshe fudud oo aad isku dhiirigeliso adigana aad masuuliyad iskaga saarto waxqabadkaaga. qorshahaagu wuxuu noqon karaa waxaan doonayaa bishaan inaan helo 100 subscriber oo cusub iyo inaan soo geliyo 5 muuqaal.
  3. Dooro platforms aad ka heli karto suuq fiican kuwaas oo aad hadhowna u furan karto xayaysiiska waxaan idinkula talinayaa A. Tiktok oo dhaqso caan kaa dhigi kara iyo B. Faceboo iyo C. Youtube.
  4. Joogteey oo ha quusan, waxyaabaha kaa caawin kara joogteynta inaad barato waxaa kamid ah inaad kasii hordhacdo wax soogelintaada sida inaad markasta heysato muuqaalo diyaarsan oo aad schedule u dirsan karto.
  5. Falcelinta dadka la soco oo iska hagaaji wixii kaa xun, maalinba maalinta ka dambeysa inyar oo horumar ah sameey.
  6. Si aad lacag u hesho raadso shirkado aad wax u xayaysiiso, sidoo kale waxaad furataa Google adsense iyo Facebook monetization

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *