Meelkasta oo aad joogto waligaa iska ilaali inaad noqoto qof laga maarmi karo, hadii aad tahay qof shaqadiisu aanay muhiim ahayn ama hawlaha uu hayo ay yihiin wax liita, ama hooseeya isku day inaad waxkabadasho, maamulayaasha qaar marka ay doonayaan qofka inay ka dhigaan qof aan waxba ahayn shaqada ayaa lagu yareeyaa ama wax aanan u khalmin ayaa lagu mashquuliyaa, hadii aad aragto in shaqadaasi awoodaada ka hooseyso isbadal dhaqso u sameey.
Maxaa dhacaya hadii shaqadaadu noqoto shaqo aan muhiim ahay? horta dadka ganacsatada ah waa danaystayaal, hadii aad adigu shaqaale tahay waa inaad nafsadaada gaadhsiisaa inaad noqoto qof aan la badali karin “Essential person” oo shaqada aad heyso aanan lagaaga maarmi karin oo adiga ay kuu baahantahay, waxaadse iska ilaalisaa sidoo kale inaad raaxo dareento oo aad meesha ku nafisto, taasna xaasidnimo ayay keenaysaa iyo insecurity.