Maxaa iiga soo baxay cayaarihii koobka adduunka ee Qatar 2022

Cayaarihii sanadkii hore la cayaaray ee Qatar 2022, waxay noqdeen kuwii ugu xiisaha badanaa sida la sheegay, waxaan halkan idinkula wadaagayaa 5 shey oo iigaga soo baxay Koobka aduunka ee lagu qabtay Qatar.

  1. In ay gaaladu dadaal badan iyo dhaqaale badan galinayaan dhaqaajinta dhaqanka xun ee Qaniisnimadda
  2. In waxa loo yaqaan “xuquuqda aadanaha” human rights uu yahay hub la isku isticmaalo oo aanay waxba ka jirin tusaale: Moobilada iphoneka shirkada sameysa waa Apple oo ah shirkada aduunka ugu weyn balse, ma isweydiisay qaabka loo soo saaro macdanaha qaaliga ah ee lagu sameeyo, xuquuqul insaanka ugu weyn aduunka waxaa laga galaa afrikaanta soo saarta macdanaha sida Macdanta Cobalt iyo waxyaabaha lamid ka ah ee aan la ogeyn, laakiin wali ma aragtay Apple oo dacwad loo heysto!
  3. In wadamada Carabtu waliba kuwa Shidaalka soo saara ay heysataan lacag aad u badan, balse aanay dan ka lahayn horumarinta amniga iyo dhaqaalaha wadamadda kale ee ka tirsan caalamka islaamka ee nasiib daraddu heshay, ma ogtahay 300,000,000,000 oo doolar waxa lagu qaban karo hadii loo isticmaalo horumarinta dhaqaaalaha wadamadda islaamka ee dhibaatadu ka taagantahay, waxbadan ayaa lagu qaban karaa laakiin waala iska indho tiray.
  4. Hadii aad lacag heysato inaad waxkasta sameyn karto, xitaa inaad dhisto Huteelo, Garoomo, Wadooyin tareen, iyo magaalooyin dhan si aad u isticmaasho mudo bil kayar kadibna aad wax aad ku qabato weydo.
  5. Horumarka teknoolojiyadda iyo heerka laga gaaray marka ay noqoto dabagalka iyo ilaalinta shuruucda cayaaraha lagu cayaaray Qatar.

Maxay kula tahay adiga?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *