Isbadalka caqligeena iyo koriinshaha maskaxda.

Wali sawir aad 10 sano ama 5 sano kahor gashay ma aragtay? hadii aad fiiriso markiiba waxaad isleedahay “horta berigaas maxaa kaa khaldanaa?”😂. waxaa hubaal ah maalintaas inuu sawirkaas kula qurxoonaa oo aad la cajiibtay style-kaaga.

kaliya sawirkaaga ma ahan, hadii aad xitaa u fiirsato heesihii 10 sano kahor la qaaday fanaaniinta iyo qaabdaradooda, labis xummada iyo kaamarada sida loo duubi jiray, waxkasta way qaabdarnaayeen.

Maskaxdeenu way koraysaa maalinkaska waxa la yiraahdaa ilaa 75GB xog gaaraysa inaan save-garayno, taas oo keenaysa in waxa maanta inala qurxoon beri wax foolxun inala noqdaan.

Qaababka ugu wanaagsan ee aad maskaxdaada dhanka wanaagsan ugu jeedin karto waa inaad:

  1. Muxaadarooyin daawato, halka aad filimada iyo Pranks-ka ka daawan lahayd youtubeka.
  2. Inaad waxyaabo wanwanaagsan aqrisato, sida buugaagta iyo articles-ka
  3. Inaad xirfado cusub barato
  4. Inaad cayaarto Games-ka loo yaqaano “Puzzles-ka” oo kor u qaadi kara caqligaaga.
  5. Inaad taariikhaha iyo documentary-dda daawato.

75GB ee aad maalin kasta kushubayso maskaxdaada ha noqdaan data nadiif ah oo wasaqdu ku yartahay, adigu ma ogid balse maskaxdeenu waxkasta oo ay aragto meel ayay ku keydisaa, oo waxaa laga yaabaa inay saameyn ku yeeshaan go’aanadda aan qaadanayso hadhoow dambe.

2 thoughts on “Isbadalka caqligeena iyo koriinshaha maskaxda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *