Is xisaabi ⚖️

Is xisaabiya, inta aan la idin xisaabin!

Cumar Binu Khadaab. (RC)

Miyaad noloshaada xisaab xirtaa habeen kasta? tusaale yar aan idin siiyo qofka ganacsadaha ah marka uu maanta dhan wax iibinayo habeenkii marka uu meherada sii xidhayo xisaab ayuu xidh sameeyaa, waa inuu yidhaahdaa maanta intaan baan iibiyay, intaan baan faaiiday, intaan baa iga baxday intaan baa amaah ku bixiyay IWM.

Marka qofka binaadamkana waa inuu habeen kasta is xisaab xiraa oo uu naftiisa warbixin ka diyaariyaa, waa inaad isweydiisaa suaalo dhawr ah kadibna jawaabahooda waa inaad heysataa, waxyaabaha lagaa doonayo waxaa kamid ah.

  1. Maanta maxaa wanaag ah oo aan qabtay?
  2. Maxaan maanta xumeeyay?
  3. Maxaan korodhsaday maanta?
  4. Maxaa layga faaiiday?

Waa inaad isweydiisaa suaalo dhawr ah adigoo naftaada qiimeyn ku sameynaya.

Halkan kala soo dag waraaq aad isku xisaabin karto: DOWNLOAD

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *