Inta aad hal juz aqrin lahayd maalintii, hal bog kubiloow maalin kasta, Inta aad maalin kasta jiimka aadi lahayd isbuucii halmaalin ka biloow, inta aad hal buug isbuuci aqrin lahayd, hal cutub aqri isbuuca dhan, Inta aad 3 xirfad sanadkan diyaarin lahayd halxabo diyaari oo tartiibso.
isbadal yar oo joogto ah ayaa ka fiican isbadal weyn oo aad ka caajisto hadhoow, hadii aad maalinkasta 1% horumar ah samayso waxay sanadkii isugu soo aruuraysaa 37% kor u kac dhanka horumarka ah, marka adigoo ka fikiraya mustaqbalka tartiib tartiib u soco.