Halista dhaqaale ee deemaha waa wax jira oo dadku intooda badan aysan iska ilaalin hadii aan tusaale yar idinka siiyo, Nin aanu saaxiibo dhaw nahay ayaa maalin dhawayd iga codsaday inaan damiin u noqdo oo wuxuu doonayay inuu bangi Gaadhi u iibiyo kadibna uu bilkasta mushaharkiisa inkamid ah mudo 2 sano ah bixiyo.
Ninkaasi wuxuu gaadhiga ku iibsanayaa 12,700 oo doolar marka la iskuwada geeyo xitaa waxa la saaran doono, bilkastana waxaa laga doonayaa inuu bixiyo $530, dabcan wuu iska bixin karaa oo waa inkayar mushaharkiisa 30% oo kamid ah, laakiin waa khasaaro aad u weyn sababtoo ah halista dhaqaale ee deemaha waxaa kamid ah:
- Gaadhigu ma ahan asset (hanti) ee waa Culeys ku dulsaaran (liability) wuxuu kaa doonayaa shidaal, hagaajin, iyo xitaa inaad u meydhid, oo inuu wax kaasii cuno ma ahee waxba kuu dhali maayo.
- Waa risk socda oo waxaa laga yaabaa inaad shil la gasho oo uu burburo.
- Waxaa laga yaabaa inuu shaqadaa uu haayo ka tago ama laga eryo oo uu bixin kari waayo.
- 24kaa bilood ee uu lacagtiisa bixinayo marka ay dhamaato haduu isyidhaahdo xitaa iska iibi waxaa laga yaabaa inuu 50% ku heli waayo intuu ku iibsaday.
- Emergency haduu kugu yimaado lacagtaas deenta ah hal bil lagaa sugi maayo.
- iyo waxyaabo kale oo badan.
Tusaale yar ayaan siiyay oo ah: Haduu 12,000 uu ku iibsado dhul waxaa laga yaabaa dhulkaas 2 sano kadib markuu deenta iska bixiyo inuu noqdo 20,000 ama 15,000 oo uu sidaas faaiido ku qabo, laakiin haduu gaadhi iibsado hada, 2 sano kadib waxaa kaga baxaysa 3,000 oo kale oo maintenance iyo shidaal ah, qiimihiisuna inuu 7 meelahaa noqdo laga yaabaa oo hoos u dhac weyn ku yimaado, marka ugu dambeyn waan ka dhaadhiciyay inuu inta lacag yar uruursado gaadhi raqiis ah caadi u iibsado.
Sii aqriso: Xornimo dhaqaale: Sidee lagu gaari karaa?
Marka mushahar kasta oo aad qaadato waligaa haku fikirin inaad gasho deen is dhimaysa oo liability ah sida gaadhi ama wax lamid ah balse marka ay noqoto dhul ama ganacsi aad lacagtiisa soo celin karto ama ay kuu kordheyso waa fikrad wanaagsan.
Halkan ka aqriso: Deenta fiican iyo deenta xun
3 thoughts on “Halista dhaqaale ee deemaha”
Masha’Allah mahadsanid
adiga mudan walaal
saxii thanks engnere