Sida caadiga haddii computer-kaaga browserka kujira aad ka furto godad badan (tabs) oo aad godkastana ka furto bog cusub oo web ah waxaa dhacaysa in computer-kaagu culeys noqdo oo uu isjiidjiid keeno, sidaas si lamid ah maskaxdaadu hadii aad u dirto hawlo badan oo kala duwan waxaa dhacaysa in aad dareento culeys badan oo shaqooyinkaa dhamaantoodba aad si hufan u qaban weydo.
Si shaqooyinka aad qabanayso u noqdaan qaar mira dhala oo aad si quruxbadan u qabato iska kala yareey shaqooyinka badan.