10-kaan shay ku dhaqaaq inta aad kujirto da’da labaatameeyada

Waxaan kula wadaagayaa 10 arrin oo muhiim ah inaad ku dhaqanto inta aad kujirto dhalinyara-nimadda inteeda ugu macaan ee uu qofku waxbadan ku qabsan karo.

  1. Diirada saar waxyaabaha aad wax ka qaban karto ee awoodaada kujira, wixii kale ee kasoo hara ha isku wareerin oo walwal haka qaadin ee Ilaahay u daa, oo Rabbi tala-saaro.
  2. Haka baqan inaad waxyaabaha halista kujirta ku dhaqaaqdo, inaad wax cusub isku daydo waxay kaa dhigaysaa inaad hore usocoto, hadii aad ku guuldaraysato dhib malaha soo naso oo waxkale tijaabi.
  3. Waxaa fiican inaad hal buug aqriso oo aad wixii aad ka baratay ku dhaqanto, intaad 10 buug aqrin lahayd adigoon ku dhaqmeyn.
  4. Qaladaadkaaga wax ka baro oo hakuu noqdaan Macalin si aanad markale ugu noqon.
  5. Ku dadaal joogteynta iyo inaad naftaada barto discipline-ka si aad u hogaamiso naftaada.
  6. 30 daqiiqo oo aad maalinkii Jiimka joogto, waxay kaa ilaalinaysaa markaad weynaato, 30 sano oo dambe oo aad dhaqtar ku noqnoqato.
  7. U sameey deadline waxyaabaha aad qabanayso, hadii kale kaama dhamaanayaan.
  8. 5% kamid ah maalintaada oo u dhiganta (72-daqiiqo) waxaad u qoondeysaa cibaado iyo Wanaag sameyn.
  9. Waxaa laga yaabaa inaad arday tahay ama qof shaqeeya, waxaad raadisaa waqti kooban oo aad siiso barashada wax aad jeceshahay inaad sameyso kana mira dhali oo si fiican u baro adigoo hawlahaaga kale wata.
  10. Lacag inaad heysato wax xun ma ahan, balse inaad lacag la’aan ahaato ayaa kasii xun.

Intaan keebaa aad kuusoo jiitay?

5 thoughts on “10-kaan shay ku dhaqaaq inta aad kujirto da’da labaatameeyada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *