Muxuu yahay business model sideese loo samaystaa (waxaa la socda tusaale).

Business model-ku waa qorshe kusaabsan sidee shirkadaadu lacag u sameyn kartaa, Business Modelku wuxuu ka hadlayaa alaabaha iyo adeeggyadda ay shirkadu iibiso, suuqa ay tiigsanaysno, ilaha dhaqaale ee soo galaya, qarashaadka ka baxaya iyo waxyaabo kale oo muhiim ah.

Waxaan halkan kugula wadaagayaa business model sample ah oo aan u isticmaalayno shirkad sameysa websites-ka, waxaad u isticmaali kartaa fikrada aad heysato adiga si aad u diyaarsato business modelkaaga.

Key partners.

Qeybtan waxaad kusoo gudbinaysaa dadka kugula lamaan ganacsiga, hadii ay noqdaan kuwa aad wax adigu ka iibineyso iyo kuwa adigu wax kaa iibinaya tusaale ahaa, marka loo eego shirkadeena sameysa websiteska waxaanu xidhiidh la yeelanaynaa dadkan:

  1. Shirkadaha iyo hayadaha aynu wax u sameynayno
  2. shirkadaha bixiya adeegyadda hostingka iyo domainska
  3. shirkadaha bixiya adeegyadda digital marketingka.

Key activities

Qeybtan waxaa lagu qorayaa waxyaabaha aad qabanaysaa oo shaqooyin ah, si aad lacag u sameyso tusaale ahaan marka aynu ku qiimeyno ganacsigeena sameynta websites-ka shaqooyinka aan qabanayno waxaa kamid noqonaya:

  1. Sameynta websites-ka
  2. Kireynta iyo hagaajinta websiteska
  3. online marketing iyo networking.

key resources

Maxaa resources ah oo aad u baahantahay si aad ganacsigan ugu guuleysato, tusaale ahaan:

  1. Teamka sameynaya website-yadda
  2. xafiiska lagu shaqeynayo
  3. qalabka la isticmaalayo
  4. Budget-ka suuqgeynta iyo qarashaadka heshiiyadda

value proposition

Maxaa soo kordhinaysaa oo qiima ah, hadii lagu weydiiyo maxaa lagaa faaiidayaa waa inaad soo koobi karto qiimahaaga tusaale ahaa:

  1. Websites quruxbadan oo profoesional ah oo la awoodi karo
  2. sameyn websites ku haboon baahiyaha macmiilka
  3. Horumarinta social mediaha iyo suuqgeynta
  4. kor u qaadista iibkaaga

Customer relationship

Xidhiidh noocee ah ayaad la yeelanaysaa macaamiishaada, tusaale ahaan hadii aan ku eegno ganacsigeena yar ee web developmentka waxaanu la yeelanaynaa macaamiisha xidhiidhadan oo kale.

  1. La talin hore iyo waraysiyo.
  2. caawimaad joogto ah iyo hagaajin ciladaha ah.
  3. Tababar iyo fahansiin qaababka ay u isticmaalayaan websiteka
  4. dabagal joogto ah oo lagu xaqiijinayo qanaacadda macmiilka

channels

Qeybtan waxaad ku qoranaysaa wadooyinka aad u marayso si aad u hesho macaamiil cusub, tusaale ahaa:

  1. suuqgeynta onlineka waliba social mediaha
  2. Xidhiidh toos ah iyo tagista macmiilka
  3. xayaysiinta waraaqaha iyo stickers-ka

customer segmentation

Qeybaha macaamiisha aan dooneyno waxay kala noqon doonaa, Shirkadaha magaalada ee doonaya in website loo sameeyo, sida:

  1. Dukaamadda,
  2. Iskuulada,
  3. Huteelada iyo Maqaayadaha,
  4. Shirkadaha adeegyadda bixiya
  5. Dadka profesionalks ah sida, dhaqaatiirka, garyaqaanada, iyo xisaabiyayaasha.

Cost Structure

Maxaa kamid ah qarashaadka aynu u baahanayno si aynu ganacsigeena u socodsiino.

  1. Website design and development costs
  2. Website hosting and maintenance costs
  3. Employee salaries and benefits
  4. Marketing and advertising costs
  5. Office rental and other overhead expenses

ilaha dhaqaale

Halkee lacagtu inaga soo galaysaa si aynu u noqono shirkad sameysa faaiido, hadii aanu ku eegno ganacsigeena tusaale ahaan, waxaynu lacag ka sameyn karnaa.

  1. Website design and development services
  2. Website hosting and maintenance services
  3. E-commerce website development services
  4. Additional services such as search engine optimization (SEO) and digital marketing

Halkan kala soo dag business model canvas oo ah waraaq aan ku diyaarsan karto business model-kaaga DOWNLOAD NOW

4 thoughts on “Muxuu yahay business model sideese loo samaystaa (waxaa la socda tusaale).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *