Muhiimada shaqaaluhu u leeyihiin Ganacsiga!

Waxyaabaha ugu badan ee shirkadaha Soomaalida ragaadiyay waxaa kamid ah, in maamulka shirkadaha badanaa aysan muhiimad badan siin shaqaalahooda, oo ay u arkaan uun qof ay dan ku gaadhayaan oo kaliya.

Waxaad arkaysaa qof ganacsigiisa ku bixinaya lacag badan inuu qurxiyo, oo naqshad wanaagsan u sameeyo, oo lacag badan ku bixinaya inuu helo agabka ugu fiican si ganacsigiisu u hormaro, hadana marka ay noqoto dhanka shaqaalaha waxaa u shaqeeya dadka kuwa ugu liita oo hadii ay noqoto aqoon maadi ah, mid diini ah iyo dhaqanba aan ka dhisneyn.

[irp posts=”8534″]

Hal qaacido ayaa jirta oo aad shaqaale fiican ku heli karto, SHAQAALE FIICAN= MUSHAHAR WANAAGSAN + BALANQAAD IYO ABAALMARIN. aan kuu macneeyo si aad shaqaale fiican u hesho waa inaad raadisaa shaqaale wanaagsan oo aad kusoo jiidato mushahar fiican iyo inaad u balanqaado inay ganacsigaaga qeyb kaleeyihiin oo horumarkiisu iyaga ay ku hormarayaan, sidoo kalena aad u balanqaado abaalmarin aan ahayn mushaharkooda.

Aniga waxaan arkay dhawr shirkadood oo aad u hormaray, waxyaabaha aan ku arkayna waxaa ugu weyn in haddii aad u fiirsato dadka meesha ka shaqeeya waa dad daacad ah, oo shirkada laxlo jeclo ka heyso oo aan dayacayn, sidoo kalana ku faraxsan shaqada.

[irp posts=”2555″]

Intabadan shirkadahaas waxay ka simanyihiin waxaa toos u maamula dadkii lahaa, oo hadana ah dad ganacsiga fahansan oo gacan furan jecelna in lala faaiido.

Hadii aad dooneyso in ganacsigaagu horumar fiican sameeyo kasbo qalbiga shaqaalahaaga oo haku faraxsanaadaan shaqada ay kuu hayaan, markastana ku abaalmari oo dalacsiin iyo gunno fiican sii.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *