Xaasidnimaddu horumar maleh

Dhawr sano kahor ayaa meel aan ka shaqeynayay laygu yidhi, waxaad tababar siisaa oo aad aqoontaada uga faaiideysaa shaqaalaha kaa hooseeya, si ay hawlaha qaar u fududeyn karaan.

Nin oday ah oo aanu wada shaqeyn jirnay ayaa igu yidhi “Saaxib, dadka hadii aad xirfadaas barto, hadhoow ayay booska kaa saaranayaan, ee iska ilaali”.

Hadalkaas hadii loo eego si Maangaabnimo ah, waa wax macquul ah in hawsha aad heyso uu qofkale barto, kaana mushahar yaryahay inuu booskaaga buuxin karo, balse anigu sidaas iima muuqan, aniga waxaan aaminsanaa laba qodob oo ka duwan sidaas:

  1. Waxaan u fikiray in hadii aan dad cusub baro xirfadayda inay shaqooyin badan oo culeyskooda isaarnaa ay iga dagayaan,
  2. Sidoo kale inaan u baahanahay inaan hore usii socdo, mararka qaar challenge-ku waa muhiim, inaad hesho qof booska kaa riixanaya waxay kenaysaa inaad hore usii socoto, waligaa iska ilaali inaad dareento nafis iyo raaxo.

Qaabka kaliya eed hore ugu socon karto waa inaadan gadaal sii fiirin, markasta kufikir qorshe cusub oo kor usii qaadaya aqoontaada, iyo cinwaankaaga shaqo.

4 thoughts on “Xaasidnimaddu horumar maleh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *