Hadii aad tahay arday Jaamacad dhigta oo aanad hada shaqo heyn ama aadan isku hawlin inaad shaqayso, hadhoow markaad jaamacada ka baxdo, 90% WAXAY U BADANTAHAY INAAD BILAA CAMAL AHAAN DOONTO.
Maxay u wanaagsantahay inaad xili hore sii shaqeysato?
- Qofka markuu isagoo jaamici ah ee uu shaqadii ugu horeysay raadiyo way adagtahay jaaniska uu shaqo ku heli karo sababtoo ah cid rabta malaha qof aan khibrad shaqo laheen
- Shaqadu waxay ku baraysaa dhabar adayg iyo inay islaweynidu kaa yaraato, hadii aanad markii hore soo jabin hadhoow markaad degree soo qaadato waxay kaaga dhagaysaa “xafiis baan doonayaa”
- Waxaad baranaysaa sida ay u macaantahay inaad noqoto qof madaxbanaan(independent) ah, oo wuxuu doono u shaqaysan karo.
- Waxaad baranaysaa dad hadhoow kuusahli kara inaad shaqooyin waaweyn hesho (networking)
- Waxaad baranaysaa xirfado aanad ku baran karin jaamacada sida: ilaalinta waqtiga, maamulka iyo in lagu maamulo, wadashaqeynta, hadalka iyo sida dadka loola doodo
- Waxaad baranaysaa gacan adeyga iyo inaad fahanto qiimaha ay leedahay lacagta loo dhididay ee loo rafaaday, qodobkan inta badan dhalinyaradu ma fahansana qofka lacagta ay waalidkiisa siiyaan ama sikale loogu so diro iyo tan uu shaqaystay waa u kala qiima sareeyaan tan uu shaqaystay lagama yaabo inuu ku cayaaro.
Marka hadii aad tahay arday dhawrkan qodob sameey HADDA!
- Maanta suuqa gal oo shaqo tag xiliga jaamacada ama iskuulka fasaxa ka tahay
- Waalidka ama qaraabada ka biloow, oo ka dhex raadi dad aad la shaqayn karto
- Muhiimada ha saarin mushahar badan balse waxaad xooga saartaa sidii aad meesha lug ula geli lahayd.
- Websiteska gal oo raadi shaqooyin entry level ah
- Diyaarso CV aad u habaysan oo aad si wacan usoo daraaseesay.
Support me by clicking your favorite payment system
Halkan waxaan idinkula wadaayaa cv template ah oo dhawr qaab u samaysan.
Curriculum Vitae HALKAN KALA SOO DAG.
Application letter HALKAN KALA SOO DAG.
Booqo website-yadan si aad ula socoto shaqooyinka cusub.
4 thoughts on “Maxay muhiim u tahay inaad shaqeysato xili hore?”
Mashallah , Mahadsanid walaal
adiga mudan walal sare
mahadsanid Zxp Donate wad iga mudan tahy hadan heli laha
dhib malaha bro, mahadsanid