Sanadkan Wuxuu ahaa sanadkii iigu wax aqrinta badnaa, waxaan ilaa hada aqriyay 46 Buug oo isugu jira buugaag diini ah, Taariikh, self help, novel iyo aqoon guud.
waxaan kasoo qaatay 5tii buug ee ugu wanaagsanaa ee aan aqriyay plus one, sida ay aniga ila tahay, buugaagtan dhamaantood waa Non-fiction, waan ka reebay kuwa fictionka ah.
- Lessons from Surah Yusuf: Buuggan waxaa laga qoray qisada Nebi Yuusuf Calayhi Salaam waxaa qoray sheekh Yasir gadhi. TAABO HALKAAN SI AAD ULA DAGTO.
- Atomic Habits: waa buugga ugu fiican dhanka isbadalka iyo sameynta caadooyinka cusub. waa buug aan lagu caajiseyn oo qisooyin iyo daraasado badan ka buuxaan, waxaana kuu barayaa aragti cusub oo kusaabsan caadooyinka. TAABO HALKAAN SI AAD ULA DAGTO.
- Ego is the enemy: Buuggan waa buug Filoosafi ah, waxaa uu ka hadlayaa kibirka iyo dhibaatada uu qofka u keeni karo, cadowga ugu weyn ee aad leedahay adiga ayuu kugu dhex noolyahay waana kibirka. TAABO HALKAAN SI AAD ULA DAGTO.
- Why We Sleep Unlocking the Power of Sleep and Dreams: markii ugu horeysay buuggan waxaan ku arkay Podcast-ka Joe Rogan, oo ku waraystay qoraaga buugga, isagoo kaga hadlay waxyaabo badan oo cajiib ah oo hurdada iyo sida ay muhiim u tahay ku saabsan. TAABO HALKAAN SI AAD ULA DAGTO.
- Show Your Work 10 Ways to Share Your Creativity and Get Discovered: Buugan waxaa la dhihi karaa waa buugga igu kalifay inaan noqdo qof ka dhex muuqda bulshada oo wax usoo gudbiya bulshada, aqoon kasta aad leedahay maanta hadii aanad ismuujin qofna warkaaga ma dhagaysan doono, adigoo waliba bulshadaada wax ku celinaya. TAABO HALKAAN SI AAD ULA DAGTO.
- Bonus (The Mongol Empire): Taariikhda Tataarka waa mid kamid ah waxyaabihii ugu xumaa ee ebid ka dhaca aduunka inta la ogyahay, waxaa la sheegaa in lagu dilay boqolkiiba 25% dadkii kunoolaa aduunka markaas, waa taariikhda ka hadlaya oo aad u wanaagsan. TAABO HALKAAN SI AAD ULA DAGTO.
10 thoughts on “Buugaagtii ugu wanaagsanayd ee aan aqriyay sanadkan 2022”
Mahadsanid ustaad ajir iyo xasanaad alla kaa siiyo
aamiin walal adiga mudan inbadan
Aad baad umahadsantahay ustaad laakin buug soomaliya hadaad hayso noo soo gudbi
adiga mudan walaal, waan kuso dadaali inshalah
Mahadsanid Ustaad
adiga mudan walaalo
Waa xog muhiima
Mahadsanid
adiga mudan walaal
Mahadsanid Walaal dadaal wacan
adiga mudan shugran