Dopamine waa kiimiko muhiim ah oo maskaxda ku jirta, oo qayb weyn ka qaadata dareemada raaxada, dhiirigelinta, iyo abaalmarinta.
Mararka qaar, haddii heerarka dopamine-kaaga ay aad u sarayso ama aad si fudud u heli karto dopamin abaal-marin ah, waxay keeni kartaa in aad balwad ka dhigato waxyaabo aan kuu fiicnayn ama in ay kugu adkaato in aad diirada saarto hawlaha muhiimka kuu ah.
Haddii aad rabto in aad yareyso heerka dopamine-kaaga, waxaad isku dayi kartaa waxyaabahan soo socda:
1. Ka Fogaanshaha waxyaabaha sida fudud kuu abaalmarin kara:
- Isticmaalka Baraha Bulshada: U samee jadwal adag isticmaalka baraha bulshada ama xaddid wakhtiga aad ku qaadato si aad uga fogaato dopamine-ka degdega ah ee aad ka hesho.
- Cuntooyinka Sonkorta leh: Ka fogow cuntooyinka sonkorta leh iyo kuwa aadka u macaan oo keenaya dopamine badan inay maskaxdaadu soo fasaxdo
- Daawashada muuqaalada xunxun: Haddii aad daawato muuqaalada xunxun waxay maskaxdaadu ka helaysaa dopamine aad u badan oo keenta xitaa inay balwad kuu noqoto oo aad iska dhaafi weydo.
2. Jimicsiga:
- Jimicsigu wuxuu kaa caawinayaa in heerarka dopamine-kaagu ay noqdaan kuwa dabiici ah oo wanaagsan. Ku dadaal in aad jimicsi sameyso maalin kasta, sida orodka.
3. Hurdada:
- Hurdada wanaagsan waxay muhiim u tahay inay maskaxdaadu soo saarto dopamine kugu haboon. Ku dadaal in aad hesho ugu yaraan 7-8 saacadood oo hurdo fiican ah habeen walba.
4. Maskaxdaada culeyska bar:
- Halkii aad raadin lahayd abaal-marinaha degdegga ah, isku day inaad waqti iyo dadaal ku bixiso hawlaha qotada dheer ee kuu wanaagsan. Tani waxay kaa caawin kartaa inaad ilaaliso heerarka dopamine-kaaga.
5. Cunista Cuntooyinka Caafimaadka Leh:
- Cunista cuntooyin caafimaad leh oo hodan ku ah fiitamiinada iyo macdanta waxay kaa caawin karaan in maskaxdaadu si wanaagsan u shaqeyso.
6. Badi dikriga iyo cibaadada
- Markasta oo aad ku xidhnaato Ilaahay waa markasta oo aad tababari karto maskaxdaada, edbinta ugu fiican ee aad naftaada ebdin karto waa inay jirto cabsi iyo sharci ku haga sida inaad Ilaahay ka baqato oo xumaanta iska ilaaliso, inta badan Dopamine-ta ugu badan waxaa keena waxyaabo ilaahay kaa xarimay sidoo kale ku dadaal inaad Soonto ugu yaraan hal maalin isbuucii.