Haddii aad dooneysid inaad maalintaada ka dhigto mid waxtar badan kuuleh, waxaan idinla wadaagi doonaa talooyin qiimo leh oo aad waxbadan ka faa’iideysan doonto.
- Isku day inaad hurdada ka toosto xili hore: Hurdada oo aad xili hore ka kacdo waxay awood kuusiineysaa inaad waxbadan qabsato, oo aad maalintaada adigoo firfircoon kasoo baxdo guriga.
- Dabeecad ka dhigo inaad salaada tukato waqtigeeda: Masuuliyad aad u weyn iska saar inaad salaadaha waqtigooda ilaaliso, dabeecad ka dhigo in salaada ama aad jamac ku tukato ama aad waqtigeeda waxkasta oo aad qabanayso u joojiso.
- Maalintii ugu yaraan 30 daqiiqo oo jimicsi ah sameey: ama soo yar lugeey ama dabaalo ama orod ama kubad ciyaar laakiin isku day inaad maalintii dhaqdhaqaaq sameyso si aad ugaga badbaado cuduro badan.
- Wax aqri maalintii xitaa 10 bog ha ahaadeene: Jadwalka ku darso inaad maalintii waxaqriso, waliba wax aad xiiseynayso oo aanad ka caajiseyn.
- Maalintii 1 saac waxaad ugu talagashaa inaad xirfado cusub barato: Waa inay jirtaa qaab aad u kobcineyso xirfadahaaga markasta, xitaa hadii aad tahay qof dhaqaale ahaan isku filan waa inaad wax cusub barataa si aad ula jaanqaado caalamkan aadka isku badbadalaya.
- Cunto nafaqo leh cun, si jirkaagu u helo tamar iyo caqli ku filan oo uu wax ku qaban karo: Haddii aanad helin nafaqooyinka aasaasiga ah ee uu jirkaagu u baahanyahay waxaa dhici doonta inaad dareento daal badan oo maskaxda iyo jirka ah, inuu yaraado halabuurkaaga iyo caajis badan, marka ku dadaal inaad cunto cunto nafaqo leh oo kuu wanaagsan.
- Iska ilaali waxyaabaha kuu keenaya raaxada fudud ee aan kuu wanaagsanayn: Waxaa jira waxyaabo kuu keeni kara inaad la qabsato oo kor u qaadaya Dopamine-taada sida inaad filimaan xunxun daawato, ama inaad waqti badan ku bixiso baraha bulshada