5 qaab oo aad ku xulan karto kaarka kugu haboon.

Waxaad maanta heli kartaa ilaa 10 bangi oo bixiya adeegga bank card-ka ee MasterCard ama Visa, dhamaan bangiyadaasi midba midka kale wax ayuu kaga duwanyahay, markaa hadii aad dooneyso inaad adigu soo qaadato kaar sidee ku xulan kartaa kan ugu fiican.

5 qaab oo aad ku xulan karto kaarka kugu haboon.

  1. Iska hubi khidmada: bangi kasta kan kale wuu ka duwanaan karaa, marka macmiil ahaan iska hubi khidmadaha kala duwan ee lagaa qaadi karo adigoo dooranaya kan ugu jaban ee adiga kuu fiican.
    • Qaar baa dadka ka qaada khidmad sanadle ah.
    • Bangiyadda qaar ayaa kaa qaadaya wax loo yaqaano transaction fee oo lagaa jarayo markasta oo aad online wax ku iibsato.
    • Qaar baa marka aad soo furanayso lacag badan kaa qaadaya
    • Qaarna waxaa laga yaabaa inaysan waxba ku xisaabin.
  2. Fudeydka helida kaadhka: Bangiyadda qaar ayaa isla maalintaaba kusiin kara halka qaar kale ay maalmo kuu qaban karaan.
  3. Fudeydka lacag kushubista: Waxaa laga yaabaa marmarka qaar inaad u baahato lacag inaad si dagdag ah u bixiso si aad adeeg u hesho, marka waa inaad iska hubisaa waqti intee la’eg ayay kugu qaadan kartaa inaad lacag kushubato kaarka.
  4. Amaanka iyo ilaalinta lacagaha: Bangiyadda qaar waxay leeyihiin wax loo yaqaan 3ds, oo ah security dheeraad ah oo marka uu kaadhku ka shakiyo ama uu arko lacago shaki kujiro inuu fariin kuugu soo diro code si aad u dhamaystirto lacag bixinta.
  5. Caawimaada iyo cilad bixinta: Bangigu ma leeyahay qaab fudud oo aad ula xidhiidhi karto, hadii ay cilad kugu timaado.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *