Noloshaadu nafis badan ayay dareemi doontaa marka aad arimmahan iska joojiso.
- Marka aad iska joojiso inaad dadka kale isbarbar dhigto, waliba dadka horumarka sameeyay, noloshaadu farxad iyo reynreyn ayay dareemi doontaa sababtoo ah, Ilaahay 8da Bilyan ee dunida kunool qofkasta qorshe gaar ah ayuu u sameeyay marka adiga qorshahaaga inuu Ilaahay ku waafajiyo kashaqeey oo cidna ha isbarbar dhigin.
- Marka aad iska joojiso inaad ka xishooto qofka aad tahay oo aad qofna u joojin noloshaadu nafis badan iyo raaxo badan ayay dareemaysaa.
- Mar alaale marka aad iska xidho albaabka shalaytayada iyo hadii aan sidaas sameyn lahaa, sidaas ayaan noqon lahaa waxaad noqoneysaa qof faraxsan oo horumarin hiigsan kara.
- Noloshaadu raaxo badan iyo farxad ayay dareemi doontaa marka aanad isku hawlin waxa dadka kale kaa aaminsanyihiin.
- Marka aad aaminto in Irsaaqadaadu aysan ku xidhneyn qof binaadam ah, waa marka ay noloshu kuu jabayso oo aad meesha doonto ka dhici karto.
Adiga maxaa kale oo ku dari lahayd!