Maanta hadii aad 10 doolar telifoonka kushubato, waxaa laga yaabaa inaadan caawa gaadhsiin, waxyabo badan ayaa keena in lacagtu si fudud kaaga baxdo waxaa ugu weyn waxyaabaha Qorsha la’aanta lacagta.
Waxaan halkan kugula wadaagayaa sadax app oo kaa caawinaya inaad ku maamusho lacagaha kusoo galaya.
- Monefy: waa appka ugu fiican inta bilaashka ah ee aan arkay, waxaa uu kusiinayaa awood fiican oo aad ku maamulan karto lacagahaaga, waxaad ku darsan kartaa akoono kala duwan oo ay lacago kuusoo gali karaan, waxaa uu kusiinayaa qeybo kala duwan oo qarashaad ah oo diyaarsan, waxaad kala soo dagi kartaa ANDROID ama IPHONE IOS
- Hayl: Appkan waa Soomaali, wuxuu ku fiicanyahay hadii aad isticmaasho lacagaha mobile money-ga isagoo kasoo aqrisanaya fariimahaaga waxyaabaha aad dirtay iyo waxyaabaha laguu soo diray, balse adigu awood uma lihid inaad sidaa doonto ka dhigato qarashaadkaaga oo aad custom ka dhigto. waxaad kala soo dagi kartaa ANDROID
- Wallet: waxaa uu ku fiicanyahay qaas ahaan dabagalka qarashaadka yaryar ee uu qofku sameeyo, isticmaalkiisu wuu fuduyahay oo markiiba waad la qabsan kartaa waana lacag la’aan isticmaalkiisu, waxaad kala soo dagi kartaa ANDROID ama IPHONE IOS