Marka aad dooneyso inaad dabeecad ka dhigato buug aqrinta iska ilaali inaad aqriso buuggaag adiga dambiile kaa dhigaya iyo buugaagta aad ku qasbantahay inaad aqriso.
Maxaan ugala jeedaa.
Hadii aad wax aqrineyso ha badsan buugaagta loo yaqaan “Self Help” oo dadka ku yidhaahda sidee guul loo gaaraa? sidee waxaas u sameyn kartaa iyo waxyaabaha lamid ka ah, dhibaatada ugu weyn ee aan buugaagtaa ku arkay waxaa kamid ah inaad hadhoow dareento dambi iyo in waxyaabaha qaar buugaasi ku sheegayo aad qaban kari weydo, oo aad hadhoow is canaanato, marka aqriso buugaagta self-helpka laakiin ha iska badin sanadki hal ama laba oo aad waliba ku dhaqmi karto waxyaabaha ay ku sheegayaan.
Sidoo kale Sharci ma ahan buugga inaad dhamayso, hadii buugaasi aad ka heli waydo waxaad samaysaa inaad jabtarada dhexe u boodo hadii uu marax kugu sii noqdo midkale soo qaado, xasuuso: muhiimadu waa inaad wax aad fahmi karto oo aad aqoon ka faiideyso hesho ee muhiim ma ahan inaad dhamayso buugga.
Qaabka kaliya ee aad wax aqrinta uga dhigan karto wax joogto ah waa inaad maskaxdaada bartaa wax aqrintu inay tahay wax xiiso leh sida: inaad daawanayso ciyaaro ama musalsal oo kale.
Qormo kale oo xiiso leh: Xaasidnimaddu horumar maleh