Marka aad tahay arday baranaya web design waxaa laga yaabaa inaad u baahato meelo aad ku tababarato oo aad ku tijaabiso websitekaaga si uu hawada u galo, adigoon lacag iska bixin marka waxaan halkan idinkula wadaagayaa websites aad ka heli karto hosting domains bilaash ah
Websites aad ka helayso domain names iyo Hosting free ah.
- https://www.freenom.com/ Websitekan waxaad ka heli kartaa domains isugu jira .tk .ml .ga .cf .gq dhamaantoodna waa free.
- https://www.000webhost.com/ waa mid kamid ah kuwa ugu wanaagsan ee laga helo hosting free ah oo aad kushubo karto scripts sida PHP iyo MYSQL data xitaa waxaad ku isticmaali kartaa wordpress.
- https://www.biz.nf/ kan waxaad ka heli kartaa hosting iyo domain isku jira domainka uu kusiinayo waxaa weeye oo kaliya hal nooc oo ah .c1.biz
- https://www.infinityfree.net/ kan xitaa waxaa uu leeyahay control panel aad ka isticmaali karto, waxaa uu kuu ogolaanayaa inaad ku xidhato custom domain ama domain uu isaga ku siinayo oo subdomain ah.
- https://aws.amazon.com: Amazon Web Services, waa kan ugu wanaagsan la iskuna halayn karo balse wuxuu u baahanyahay inaad aqoon u leedahay sida loo isticmaalo AWS oo xoogaa yar adag.
Sidoo kale waxaad aqrisan kartaa qormadan xiisaha leh: 3 talaabo oo aad caadooyin cusub oo wanaagsan ku abuuri karto