Waxaan kula wadaagayaa 10 arrin oo muhiim ah inaad ku dhaqanto inta aad kujirto dhalinyara-nimadda inteeda ugu macaan ee uu qofku waxbadan ku qabsan karo.
- Diirada saar waxyaabaha aad wax ka qaban karto ee awoodaada kujira, wixii kale ee kasoo hara ha isku wareerin oo walwal haka qaadin ee Ilaahay u daa, oo Rabbi tala-saaro.
- Haka baqan inaad waxyaabaha halista kujirta ku dhaqaaqdo, inaad wax cusub isku daydo waxay kaa dhigaysaa inaad hore usocoto, hadii aad ku guuldaraysato dhib malaha soo naso oo waxkale tijaabi.
- Waxaa fiican inaad hal buug aqriso oo aad wixii aad ka baratay ku dhaqanto, intaad 10 buug aqrin lahayd adigoon ku dhaqmeyn.
- Qaladaadkaaga wax ka baro oo hakuu noqdaan Macalin si aanad markale ugu noqon.
- Ku dadaal joogteynta iyo inaad naftaada barto discipline-ka si aad u hogaamiso naftaada.
- 30 daqiiqo oo aad maalinkii Jiimka joogto, waxay kaa ilaalinaysaa markaad weynaato, 30 sano oo dambe oo aad dhaqtar ku noqnoqato.
- U sameey deadline waxyaabaha aad qabanayso, hadii kale kaama dhamaanayaan.
- 5% kamid ah maalintaada oo u dhiganta (72-daqiiqo) waxaad u qoondeysaa cibaado iyo Wanaag sameyn.
- Waxaa laga yaabaa inaad arday tahay ama qof shaqeeya, waxaad raadisaa waqti kooban oo aad siiso barashada wax aad jeceshahay inaad sameyso kana mira dhali oo si fiican u baro adigoo hawlahaaga kale wata.
- Lacag inaad heysato wax xun ma ahan, balse inaad lacag la’aan ahaato ayaa kasii xun.
Intaan keebaa aad kuusoo jiitay?
5 thoughts on “10-kaan shay ku dhaqaaq inta aad kujirto da’da labaatameeyada”
Kan 8 deedaad ayaan aad uga helay thanks
Qodobka 9aad