Xirfaddo waxaa jira badanaa dalkeena aan loo heyn cid ka shaqeysa ama yaryihiin dad garanaya oo shaqadaas xariif ku ah, ama ay jirto baahi ka badan inta hada loo hayo.
Waxaan idinla wadaagayaa shaqooyin dadka yaqaana ay yaryihiin balse aad adigu baran karto.
- Farsamadda gacanta ee Hagaajinta qalabka caafimaad, Sida hagaajinta MRI machines-ka iyo qalabka kale ee waaweyn ee laga isticmaalo Cispitaaladda.
- Hagaajinta Gawaadhida: Baahida loo qabo meel lagu hagaajiyo gawaadhida oo la jaanqaadeysa teknoolojiyadda ugu dambeysay oo qiimaheeduna macquul yahay waa baahi aad loo qabo, oo badanaa way yaryihiin meelo sidaa u shaqeeya ama qiimahooda ayaa saaid u badan.
- Hagaajinta telifoonadda: Qofkasta telifoon ayuu sitaa, telifoonku waxaa uu kamid yahay waxyaabaha loogu baahida badanyahay ee jira qarnigan, waxaa laga yaabaa 2 sano kadib in qofkasta oo Soomaali ah oo da’diisu u dhaxaysa 13 ilaa 80 sano uu sidan doono telifoon, taas oo ka dhigaysa baahida loo qabo hagaajin tayadeedu saraysa mid aad u badan.
- HVAC Systems Installation and Maintenance : oo ah hagaajinta qaboojiyayaasha, kama hadlayo kuwa xabad xabada ah ee guryaha iyo xafiisyadda lagu xidho ee waxaan ka hadlayaa, HVAC system-ka dhismayaasha lagu xidho ee waaweyn oo imika inagu soo badanaya.
- Rakibaada iyo hagaajinta Solarka: Solar-ka iyo dhamaan tamarta la cusbooneysiiyo waxay u baahantahay dad Technical ah oo ka shaqeeya badanaa shaqaalahaasi waxay u badanyihiin dad ajaanib ah oo ka shaqeeya.
- Fiber optic installation: Tani waa mid la tacaluqda farsamadda networking-ka casriga ah ee Fiber optics loo yaqaano, haddii aad tahay arday dhigta jaamacad oo IT baranaya maanta markaad kasoo baxda jaamacad ku leexo shirkad bixisa adeega Fiber-ka oo waxaad ka dhamaysataa inaad si bilaash ah ula shaqeyso oo aad caawiso iyagana aad ka barato rakibaada fiber optics-ka, ma fududa oo waalagu soo diidayaa laakiin qorshaha ku darso inaad dhibto oo ad ku noqnoqato maalin kasta.
One thought on “Xirfado aan baahidooda la buuxin.”
Mahadsanid ustaad lkn xirfadahan 2 ama hal moyee halkii laga baran laa in la daydayaa iyana waqti kale ah