Computerkaaga awoodiisa dhabta ah waxay ku jirtaa barnaamijyadda aad ku shubato ee aad kaga shaqeysiiso, waxaan halkan idinkula wadaagayaa softwares aan anigu si joogto ah u isticmaalo oo aan isleeyahay waad ka faiideysan doontaa hadii aad tijaabiso.
- Antivirus wanaagsan oo kaa ilaalin kara halisaha internet-ka kaaga imaan kara, waxaan kugula talinayaa inaad kushubato Avast antivirus oo aad halkan kala soo dagi karto ama Malwarebytes oo aad isna halkan kala soo dagi karto.
- Google drive: Waxkasta ayaa dhici kara marka waa inaad leedahay kahor tag hadii lacala computerkaagu xumaado ama balaayo kale kaaga dhacdo si aanad u lumin waxyaabaha muhiimka ah ee kuugu jira kushubo google drive kasoo autosync leh oo aad kaliya ku shubto waxyaabaha muhiimka kuu ah sida documents-ka iyo sawirada iyo waraaqaha aad ka baqayso inay kaa lumaan. haddii aad dooneyso halkan kala soo dag
- ccleaner: Computerku marka aad waqti badan isticmaasho wuxuu yeeshaa haraadi yaryar oo ku dhex hadha, kuwaas oo keena in computerkaagu cuslaado ama dhaqsi u buuxsamo, software-kan wuxuu kaa caawinayaa inaad iska nadiifiso computerka marka aad ka dareento culeys dhanka faaylasha ah. halkan kala soo dag Ccleaner
- Everything waa software aan anigu aad u isticmaalo oo iga caawiya inaan helo waxkasta oo computerkayga kujira, waa software ku wanaagsan wax raadinta ama hadii uu Fayl kaaga dhex lumo computerkaga inaad si fudud ku hesho. Halkan ayaad kala soo dagi kartaa everything
- Winrar: Softwarekan waxaan isleeyahay la’aantii waxba ma qabsan kartid waliba marka aad internet-ka faaylal kala soo dagayso softwarekan waxaa la yidhaahdaa Winrar waxaana loo isticmaalaa in lagu kala furfuro barnaamijyadda isku rakiban ee compressed-ka ah, si aad ula soo dagto halkan booqo.
Waxaan rajaynayaa inaad qormadan ka faaiidey, sidoo kale waxaad aqrisan kartaa: Muxuu yahay business model sideese loo samaystaa
9 thoughts on “Softwares muhiim ah inaad ku shubato Computer-kaaga.”
Aad u mahadsnid waxanan si daily u adeegsanuun software ka Everything
Aad bad u mahadsan tahay
Masha Allah ustad caseyr
Thnkz wll
M.a
Mahadsanid teacher
adiga mudan
mahadsanid ustaad
adiga mudan walaal