Inaad isdhibto waa horumarka furihiisa, waxkasta oo wanaagsan waxay kujiraan gacan bir ah oo lagaa doonayaa inaad lasoo baxdo. soo qaado buug iyo qalin kadibna maalinkasta waxaad qortaa 3 sheey oo kugu adag inaad sameyso oo aad necebtahay tusaale ahaan waxay noqon kartaa inaad Maamulahaaga mushahar kordhin waydiisato ama inaad qof aad xiiseynayso inaad la hadasho, ama inaad 10 shirkad u tagto maanta oo aad tidhaahdo shaqo halaysiiyo ama inaad soo qaadato telifoonkaaga oo aad muuqaal iska duubto oo aad content creator noqoto, kadib 3daa shey mid kamid ah sameey oo maalintaa naftaada ku ciqaab.
Qofba wax ayaa ku adag oo dadku isku mid ma ahan adigana waxaa laga yaabaa waxyaabo badan oo horumarkaaga hortaagan inay kujiraan oo aad ka baqanayso, cabsida intaad iska dhaafto maalin kasta naftaada dhib oo wax aanad jeclayn sameey.