Maalgashigu kaliya ma ahan inaad lacagtaada ganacsi ku darto iyo waxyaabaha lamid ka ah, balse inaad lacag uruursato waa qeyb kamid ah maalgashi aad maalgashanayso mustaqbalkaaga.
Dhibaatooyinka ugu weyn ee keydsiga lacagaha (saving money) dhalinyarada ka qabsata waxaa ugu waaweyn
- iska ilaalinta dib u isticmaalida lacagtaas
- jaanis u helida lacagaha aad ku keydinayso.
- Iyo inaad kufikirto xadiga lacagta yar inaysan keydin ku habooneyn
Waxaan idiin hayaa barnaamij cajiib ah oo caqabado badan xalin kara.
Barnaamijka keydso ee shirkadda Somtel leedahay waa barnaamij runtii waxbadan laga faaiideysan karo, dabcan qormadan ma ahan mid ay shirkada Somtel maalgalisay balse barnaamijka Keydso ayaa aad ii qanciyay.
Barnaamijkan wuxuu kuu ogolaanayaa inaad lacagtaada ku xidhato waqti cayiman sida: bil ama 3 bilood ilaa sanad, adigoon awood u lahayn inaad isticmaasho.
Waxyaabaha aan aadka uga helay waxaa kamid ah.
- Waxaad keydin karaa xadi aad u yar ilaa kun shilin
- Markasta iyo meelkasta oo aad joogto waad keydin kartaa uma baahnid inaad bankiga tagto.
- Wuxuu kaa ilaalinayaa inaad lacagtaada dib u isticmaasho.
Barnaamijkan oo kale wuxuu ku fiicanyahay inaad ku keydsato lacag dheeraad ah, tusaale: nus doolar kaaga bixi lahaa inaad shaah meelahaas kaga cabto ama 10 doolar aad wax maalaayacni ku qaban lahayd iyo waxyaabaha lamidka ah.
Balse ha galin lacag laga yaabo inaad u baahato oo aad howlo muhiim ah ku qabanayso, balse waa qaab aad mustaqbalka ugu diyaargaroobi karto
Hore ma u isticmaashay barnaamijkan nala wadaag qeybta commentska.
11 thoughts on “Qaab wanaagsan oo aad Lacagahaaga ku maalgashan karto.”
walaal sideen u isticmaalaa barnaamijkan hada ayaa iigu horeyso waa barnaamij fiican
walaal waxaad soo furataa adeega edahab ee somtel kadibna *232# kadib waxaad raacdaa tilmaamaha
Walal edahab ma qasab baa aniga ma isticmaalo mise evc waan ku isticmaali karaa
waa inaad somtel soo furato kadibna edahab u furato si aad u isticmaasho
Barnaamijkan mar ayaan arkay isagoo xayaysiis ah laakiin wax aan jirin baan moodayay hada ayaan bilaabayaa inaan isticmaalo shugran ustaad
waa barnaamij jira oo wanaagsan anigaaba isticmaalo
Mahadsanid macalin somtel hadda ayaan soo furanayaa waaba wax faaido leh
adiga mudan walal hadii aad u baahato caawimaad kale isoo qabo
mahadsanid ustaad istimcaalka lacagta qodobkaas ayaa aad ii dhibay aniga sanad ayaan ku xidhanayaa
haa lkn ogsoonow sanadkaas way kaa xayirnaanaysaa
Waan isticmaalaa aniga