Marketing is about creating a conversation
Seth Godin
Permission marketing waa nooc kamid ah suuqgeynta taas oo diirada saarta in shirkadu xidhiidh wanaagsan la yeelato macmiilka iyagoo doorashada u siinaya inaad la xidhiidhi karto hadii aad keento alaabo cusub ama aad qiima dhimis sameyso.
Suuqgeynta noocaan ah waxay ku fiicantahay waxaad heli doontaa macaamiil badan oo dib kuugu soo noqnoqda, sidoo kale waxaa wanaagsanaanaya xidhiidhka adiga iyo macaamiishaada idiin dhaxeeya.
Tusaale fudud: waxaa jirta shirkad iibisa Cadarka iyo Barfuunka, markasta oo uu macmiil wax ka iibsato shirkadaasi waxay macmiilka ku dhahaan, waxaan doonaynaa inaan kugu darno liiska macaamiisheena qaaska ah ee aan sida gaarka ah ula xidhiidhno ee aan siino abaalmarinadda iyo qiima dhimista (Markaa oo kale macmiilku wuxuu dareemayaa inuu special yahay) markaas shirkadu waxay ka qoranaysaa macmiilka xogtiisa sida Whatsapp-kiisa, sidoo kalena waxay u sheegaysaa inuu nambarka Whatsapp-ka shirkadana uu keydsado si ay ula xidhiidhaan hadhoow, intaa kadib fariinta ugu horeysa ee loo dirayo macmiilka waxay noqon doontaa in laga waraysto alaabtii uu ka iibsaday sida “Kawaran Barfuunkii macmiil miyuu ku qanciyay?”, intaa kadibna uu xidhiidhka macmiilka sidaas kusii socdo.
Suuqgeynta noocaan oo kale ah waxaa sameyn kara shirkad is hubta in addeegeedu wanaagsanyahay oo macaamiisheedana qancin karta, sidoo kalana diyaar u ah in la dhaleeceyn karo.