Waxaan halkaan idinkula wadaagayaa 5 qeybood oo ay xoriyaddu u qeybsami karto.
- Xoriyad diineed: Qofka waa inuu ahaado mid si ruuxi ah u madax-bannaan, isagoo sameynaya doorashooyin iyo ficillo waafaqsan caqiidadiisa diimeed iyo qofku waxkasta uu qabanayo u eega diintiisa waxa ay ka qabto iyo inuu yeesho dhaqan wanaagsan iyo aadaab.
- Xoriyad Dhaqaale: oo ah inuu qofku noqdo qof dhaqaale ahaan xor ah oo aan si fudud lagu iibsan kareyn.
- Xoriyadda waqtiga: oo ah inuu qofku noqdo qof xor ah oo wuxuu doono sameyn karo xiliguu doono, oo aan u xidhxidhneyn shaqo uu tago iyo meel uu markasta ku qasbanyahay inuu taagnaado, waa xoriyad qofkasta uu ku riyoodo laakiin ay adagtahay in la helo.
- Xoriyad Caafimaad iyo Jir ahaaneed: oo ah inuu qofku ka adkaado caafimaadkiisa oo uu noqdo qof dhisan oo aan waxkasta iska cunin, markastana aalamiiteeya.
- Xoriyadda bulsho: oo ah inuu qofku noqdo qof leh sumcad oo ay bulshadu ixtiraamto oo hadii uu maantu u baahdo inuu bulshada wax u sheego loosoo jeesanayo oo la dhagaysanayo.