eSim waa nooc cusub oo Simcard ah kaas oo ah virtual ama wax aan la arkayn oo telifoonada cusub lagu diiwaangeliyo, waxyaabo badan ayuuna kaga wanaagsanyahay simkaadhadii hore ee Telifoonka la gelin jiray, waxaana mustaqbalka dhaw laga yaabaa in loo guuro dhamaan eSim.
Maxaa kamid ah faaiidooyinkiisa.
- Fudeydka: Waxaa meesha ka baxaya inaad markasta oo aad dooneyso inaad simkaadh badasho inaad furto telifoonka oo aad raadiso irbadii la galin jiray kadib aad sidaas ku badasho.
- Inuusan kaa lumin: hadii aad mar kushubato eSim ilaa aad telifoonka iska badasho ama aad adigu iska masaxdo kaama lumayo eSimku oo waligaa waad heysan kartaa xitaa hadii aad wadanka ka baxdo.
- Inaad dhawr xabo ku qaadan karto telifoonka: shirkadaha telifoonadu inta badan waxay kuu ogolaan karaan inaad ku diiwaangashan karto 8 ilaa iyo inkabadan oo eSim ah.
- Isku badalid fudud: inaad mudo kayar 10 sakin ukala badalan karto simkaadhka aad dooneyso.
- Inaad iska xidhi karto Simkaadhka adigoon telifoonkaaga flight saarin oo kaliya aad joojin karto simka aad dooneyso.
- eSimku waa Ammaan: malaga yaabo inaad simkaaga uu kaa dhaco oo uu qofkale telifoonka gashado ama uu isticmaalo, sababtoo ah wuxuu kuugu xidhanyahay telifoonka.
Qaar kamid ah telifoonada Support-gareeya eSimka.
- Apple iPhone 13, iPhone 13 Pro, iPhone 13 Pro Max, iPhone 13 mini, iPhone 12, iPhone 12 Pro, iPhone 12 Pro Max, iPhone 12 mini, iPhone SE (2nd generation), iPhone 11, iPhone 11 Pro, iPhone 11 Pro Max, iPhone XS, iPhone XS Max
- Google Pixel 6, Pixel 6 Pro, Pixel 5a, Pixel 5, Pixel 4a, Pixel 4a 5G, Pixel 4, Pixel 4 XL, Pixel 3a, Pixel 3a XL.
- Samsung Galaxy S21, Galaxy S21+, Galaxy S21 Ultra, Galaxy Z Fold 3, Galaxy Z Flip 3, Galaxy Note 20, Galaxy Note 20 Ultra, Galaxy Z Fold 2, Galaxy Z Flip, Galaxy S20, Galaxy S20+, Galaxy S20 Ultra, Galaxy Note 10, Galaxy Note 10+, Galaxy Fold.
- OnePlus 9 Pro, OnePlus 9, OnePlus 9R, OnePlus 8 Pro, OnePlus 8, OnePlus 7T Pro, OnePlus 7T, OnePlus 7 Pro, OnePlus 7.
- Motorola Edge, Motorola Edge+, Motorola Razr 5G, Motorola Razr (2019), Motorola One Zoom.
- Huawei Mate 40 Pro, Huawei P40 Pro, Huawei P30 Pro, Huawei Mate 30 Pro.
- Xiaomi Mi 11 Ultra, Xiaomi Mi 11, Xiaomi Mi 10 Pro, Xiaomi Mi 10, Xiaomi Mi 9, Xiaomi Mi 8.
- Oppo Find X3 Pro, Oppo Find X2 Pro, Oppo Find X2, Oppo Reno 6 Pro, Oppo Reno 5 Pro.