Laba iyo tobankii saacadood ee ugu dambeeyay waxaan ka shaqeynayay barnaamij aan kusameeyay AWS Architecture, AWS waa caalam dhan oo teknoolojiyad ah, waa cajiib runtii, Tusaale barnaamijka aan ku dhisay waxaa ku host-gareeyay data-da wax la yidhaadho S3 Bucket oo ah meelaha lagu shubo wixii storage ah ee AWS isticmaalayso, marka kadib si aan usoo raro Domainkayga oo yaalay Namecheap waxaan isticmaalay wax loo yaqaan Route53 oo ah qeybta AWS ee loogu talagalay in DNS-ka iyo domainka lagu manage-gareeyo.
Kadib waxaan isticmaalay adeeg loo yaqaan Cloudfront oo ah CDN iyo security check oo loo isticmaalo in website-kaaga xawaarihiisa la kordhiyo iyadoo caching la isticmaalayo sidoo kalana laga ilaaliyo wax loo yaqaan DDOS attack oo ah in traffic badan laguugu furo.
Kadib marka aad Domainka iyo Cloudfront isku xirto waxaad hadana isku xiraysaa cloudfron iyo S3 si macaamiisha loogu ogolaado inay gaaraan Bucketka kuu yaala S3.
Run ahaantii AWS waa system leh barnaamijyo kala duwan oo hawlo badan oo muhiim ah kuu qabanaya adigoon meelo kale wax ka raadin, runtii waa cajiib, hadii aad barato waxaad mustaqbalka awood u yeelan doontaa inaad hesho fursado badan oo shaqo ah.
Client-ka aan hawshaa u qabanayay wuxuu bishii bixin jiray $1200+ bilkasta si uu u hosting-gareeyo xogtiisa isagoo meelo kale isticmaali jiray imika wuxuu bixiyaa wax kayar $120 bishii.