Maxaad ugu qasbantahay inaad computer heysato?

Computerku waxaa uu kamid yahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee uu qofku baran karo isticmaalkiisa, xitaa marka laga yimaado inaad adigu wax ku qabsato, waxaa kaloo kaa caawin karaa inuu kuu fududeeyo helida shaqooyin badan, oo laguugu xidhayo inaad computerka garanayso.

Waxaad ku qasbantahay inaad computer yar heysato, laptop ama desktop midka uu noqdo hadii aad dooneyso inaad:

  • inaad online wax kubarato
  • inaad ku shaqeyn karto.
  • inaad wax kuqorato
  • inaad wax ku edit-garayso.
  • iyo waxyaabo kale oo badan.

Qaabka ugu fiican ee aad ku baran karto isticmaalka computerka waa inaad si joogto ah u isticmaasho.

Xiligan la joogo inaad laptop iibsato way ka raqiisantahay inaad telifoon iibsato, hadii aadan lacag badan heysan xitaa mid lasoo isticmaalay ka bilow.

2 thoughts on “Maxaad ugu qasbantahay inaad computer heysato?

  1. Sharaf bay itahay wll qormDan qiimah badan inaan akhriyo wllkyow Adigan Aad baan kaga mahad celinayaa sida qiimah badan ee aad noo garab tagan tahay hadaan nahay dhalinyarta soomaliyeed .Guulayso wll adiguna Akhiro iyo aduunba

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *