Go’aanadda ugu wanaagsan ee uu qofku qaadi karo waxaa kamid ah inuu ganacsi uu isagu leeyaay bilaabo, balse si aad u bilowdo ganacsi waxaad u baahantahay inaad si taxadar leh u bilowdo, sidaa daraadeed waxaan halkan kugula wadaagayaa 5 website oo kaa caawinaya inaad usii diyaargarowdo ganacsiga, hadii aad ganacsade cusub tahayna kaa caawinaya inaad aqoontaada kor u qaado.
- bplans.com: waa website aad kaaga caawinaya inaad hesho qorshayaal ganacsi oo bilow ah iyo qaar diyaarsan oo tusaale leh, hadii aad dooneyso inaad sameysato qorshe ganacsi kabiloow bplans.com
- hubspot.com: Websitekan wuxuu aad kaaga caawinayaa dhanka suuqgeynta waxaanad ka heli kartaa qorshayaal diyaarsan oo kusaabsan dhanka social mediaha, email marketing-ka iyo documents kale oo badan oo bilaash ah.
- vc4a.com: websitekan wuxuu xitaa leeyahay qeyb aad ka heli karto casharo bilaash ah oo kusaabsan ganacsiga, sidoo kale waa website xooga saaraya ganacsiyadda afrikaanka, xitaa ganacsigaaga waad ka diiwaangelin kartaa si aad u hesho fursado maalgelin.
- incafrica.com: websitekan waxaad ka aqrisan kartaa qormooyin aad u xiiso badan oo kusaabsan ganacsiga africa.
- caseer.blog: websitekan waxaad ka heli kartaa farsamooyin badan oo kusaabsan ganacsiga, sidoo kale waxaad kala dagi kartaa buugaag, hadii aad dooneyso inaad heshso koorsooyin kusaabsan ganacsiga oo afsoomaali ku baxayana wuu leeyahay.