Kalmado English ah oo aad loo isticmaalo, iyo Fasirkooda: Marka la joogo goobaha shaqo, waxyaabaha ugu badan ee dadku sameeyaan waxaa kamid ah inay luuqadooda iska ilaabaan oo inta badan ay isticmaalaan Af Ingiriisi, waxaan halkaan idinkula wadaagayaa 10 kalmadood oo aad loo addeegsado marka la joogo goobaha shaqo, marka imika wixii ka dambeeya kuwaan isticmaal.
- workplan: Qorshe hawleed
- System: Hannaan
- Procedure: Habraac
- Process: Geeddi-socod
- Priority: Hortabin
- Initiative: Hindise
- Substance: Nuxur
- Benchmark: Halbeeg
- Trajectory: Toobiye
- Task: Hawl
Sii aqriso: Muxuu yahay business model sideese loo samaystaa