Ka dhig wax fudud, oo aad fudeydkiisa ka yaabto.

Dhibaatadda ugu weyn ee ina heysata marka aynu dooneyno isbedel waa inaynu rabno isbedel dagdag ah oo markiiba inagu dhaca, kadib maxaa dhacaya? kadib waxaa imanaysa inuu qofku isku qaado waxyaabo badan oo culculus oo uusan awoodi karayn, kadibna ay dhacdo inuu qofku ka caajiso isbedelkaas oo uu halkaas kaga haro.

Marka hadii aad dooneyso inaad naftaada badasho, ku biloow waxyar oo yar oo yar oo aad adiguba la yaabto yaraanta isbadalkaas oo ay noqoto wax aad qaban karto adigoon ka fikirinba.

Muhiimaddu waa inaynu Firikshanka ka ilaalino waxqabadkeena, markasta oo uu firikshan yimaado waa markasta oo uu qofku dib u dhigo shaqadaas ama uu bilaabo inuu caajiso.

Halkan kala soo dag buugga: Mini habits oo pdf ah TAABO HALKAN.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *