incentives; maxay dadku u sameeyaan waxay sameeyaan?

Marka la joogo dhaqaalaha waxaa jira wax loo yaqaan incentive oo ah sababta ku dhiirigelineysa qofku inuu wax sameeyo.

Qiso cajiib ah oo hada kahor dhacday aan idinkaga waramo.

Hadda kahor xiligii ingiriisku gumeysanayay dalka india ayaa waxaa askartii nafta u keenay masaska loo yaqaan kobraha oo dalkaas ku badnaa iyaguna maysan garanayn qaab la isaga ilaaliyo, kadib waxay yidhaahdeen madaxdii ingiriisku, qofkii mas soo dila oo inoo keena waxaynu siineynaa lacag abaalmarin ah, kadib waxaa dhacday in masaskii magaaladii kayaraadeen oo dadkiina ay lacago fiican ka sameeyeen arrintii.

kadib waxaa dhacday dhawr bilood kadib in halmar masaskii la keenayay xarunta kor u kac weyn ku yimid oo maalintii dhawr boqol oo mas loo keeno ciidanka si abaalmarin loogu helo, kadib ayaa la ogaaday in dadkii magaalada kunoolaa ay sameysteen beero lagu xanaaneeyo masaska si lacag looga sameeyo, markaas kadibna la joojiyay abaalmarintii, kadibna dadkii waxay magaalada kusoo daayeen intii ay hayeen ileen cid ka iibsanaysa malahane, kadibna magaaladii sidii hore si daran wada mas ay noqotay.

Marka waxkasta oo dhaca sabab ayay u dhacaan mararka qaarna waxaa laga yaabaa in wax laga doonayay in wanaag laga helo ay dadku si khaldan u isticmaalaan oo meeshu waalato, sidoo kale hadii aad dooneyso bulshada inaad koontaroosho, waa in incentives-kooda aad garanayso.

One thought on “incentives; maxay dadku u sameeyaan waxay sameeyaan?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *